Dawladda Somaliland Oo Qabqabatay Saraakiil Ka Mid ah Dawlada Somaliya Oo Hargaysa Yimid.

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dawladda Somaliland Oo Qabqabatay Saraakiil Ka Mid ah Dawlada Somaliya Oo Hargaysa Yimid.

    Xukuumadda Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dawladad Somaliya kuwaas oo si lama filaan ah shalay uga soo dagay madaarka Hargeysa iyaga oo sita baasaabooro Dublamaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Xukuumadda Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dawladad Somaliya kuwaas oo si lama filaan ah shalay uga soo dagay madaarka Hargeysa iyaga oo sita baasaabooro Dublamaasi.
Warar Xogogaal ah Ayaa Sheegaya In saraakiishan oo ah sadex xubnood waxa ay kala yihiin Xoghayaha Raysal Wasaaraha Somaliya, Haweenayda Madaxa Pratacol-ka Madaxtooyadda Somaliya iyo Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliya.

Illaa hada war faahfaahsan lagama hayo xadhiga saraakiishan Dawladda Somaliya iyo Somaliland midkoodna kamuu hadal illaa hada, hase yeeshee tibaaxaha soo baxaya ayaa sheegaya in ay si dhuumasho ah doonayeen in ay Hargeysa ku soo galaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay doonayeen in ay Hargeysa kula kulmaan madax ka tirsan Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa dalalka Beesha Caalamka ka jooga Hargeysa oo ay qaarkood balamo kula lahaayeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay saraakiishan ka soo qabatay madaarka illaa hadana lama oga goobta ay ku xidhan yihiin, hase yeeshee wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha oo maanta ka hadlay ayaa sheegay in ay Maxkamad horgaynayaan saraakiishan Somlida ah ee ay qab qabteen, iyagoo sifo sharci darro ah Dalka ku soo galay.