Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Diwangelinta Madaniga Mucaaradkana ku duray Siyaasad xumo iyo Qorshe la'aan

0
Friday February 20, 2015 - 13:50:41 in by salman abdi
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Diwangelinta Madaniga Mucaaradkana ku duray Siyaasad xumo iyo Qorshe la'aan

    Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Diwangelinta Madaniga Mucaaradkana ku duray Siyaasad xumo iyo Qorshe la'aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Diwangelinta Madaniga Mucaaradkana ku duray Siyaasad xumo iyo Qorshe la'aan

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland oo ku hawlan diwaangelinta muwaadiniinta oo meel wanaagsan mareysa, ayaa ka hadashay halka ay mareyso hawshaasi iyo wakhtiga muwaadiniinta la diwaangeliyey la siinayo kaadhadhkooda dhalashada.

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Cismaan Dubbe oo shalay saxaafadda kula Hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in hawsha diwaangelinta muwaadiniintu si habsami ah uga socoto dalka isla-markaana bishan gudaheeda iyo bisha soo socota muwaadiniinta la diwaangeliyey heli doonaan kaadhadhkooda dhalashada, maadaama buu yidhi dalka uu soo gaadhay khadka lagu daabacayey kaadhadhkaasi.

Maxamed Cismaan Dubbe oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan caddeeyo in bishan iyo bisha dambe dhammaan dadkii la diwaangeliyey kaadhadhkoodii la siin doono, waayo waxa dalka soo gaadhay khadkii kaadhadhka lagu daabacayey, waxaana dadka badankoodu kaadhadhkooda ku heli doonaan muddo laba toddobaad gudahood. Diwaangelintuna si habsami ah ayay uga socotaa gobollada iyo degmooyinka dalka”.

Agaasimuhu waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda diwaangelintu u leedahay shacabka reer Somaliland "Kaadhka dhalashada muwaadinku wuxuu ku helayaa baahiyaha nolosha oo dhan, waana wax muujinaya dhalashada iyo qofku wuxuu yahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey in qofka kaadhka dhalashada qaadan waayaa muteysanayo ciqaab "Kaadhku wuxuu noqonayaa wax qofka lagaga xidho caafimaadka iyo waxyaabaha waxbarashu ka mid tahay, qofka dhayalsada qaadashada kaadhka muwaadinka hadhow isaga ayay dhibaato ku noqonaysaa, laakiin wax ciqaab ah ama mushkilad ah oo (Wasaaradda Arrimaha guduhu) ku abuureyso qofka ma jirto, laakiin waxaanu ugu baaqeynaa dhallinyaradu inay qaataan kaadhka dhalashada, iskana saaraan fikradda odhanaysa haddaad waddan kale tagto ayaa farahaaga la soo saarayaa, waxaasi waxba kama jiraan, waayo Seerfarka (Halka lagu kaydinayo xogta muwaadinka) innaga ayaa leh oo uu inoo yaallaa, waayo waa hanti qaran”

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, oo la waydiiyey dhallinyarada mushkiladaha ka sameeyay Magaalooyinka dalka iyo hawl-galladii wax lagaga qabanayey ayaa ku jawaabay "Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee dalka waxa jira dhalliyaro mushkilado badan sameeyay, markaa marka dhallinyarada la xidho waxa lagu xidhaa qolal u gaar ah, waxa loo sameeyay dhaqan celin oo waxbarasho ayaa lagu siiyaa jeelka dhexdiisa, waxayna dawladdu ku dedaalaysaa inay jeelasha ka soo baxaan iyaga oo wax bartay. Waxaan dhallinyarada leeyahay waalidkiina iyo muwaadiniinta kale ha kal nixinnina oo iska daaya mushkiladaha, hana iska lumina wakhtiga iyo nabadgalyada aad haysataan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey isaga oo sharaxaya waajibaadka ka wasaarad ahaan kaga aadan doorashooyinka "Hawsha doorashooyinka waxa qaranka u qaabilsan komiishanka, laakiin hawsha wasaaradda arrimaha guduhu waxa weeyaan in marka la cayimo doorashada inay badhasaabada dalka ku amarto inay sugaan nabadgalyada goobaha cod-bixiyayaasha doorashada, markaa hawsha ugu weyn ee wasaaradda arrimaha guduhu qabataa waa inay sugto nabadgalyada muwaadiniinta ka qayb-qaadanaya cod-bixinta doorashooyinka”

Agaasimaha oo la waydiiyey sida uu arko eedaymaha iyo dhalliisha Mucaaradku u jeediyaan xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, ayaa ku jawaabay "Qofku markuu wax dhallilayo waa inuu barbar dhigaa wanaaggii la qabtey, laakiin waxaad mooddaa in (mucaaradka) ay kaga dhagan tahay kursi iyo doorasho, iyadoo aan xitaa la arag waddo 1KM ah oo ay tabaruc ku dhiseen xisbiyada Mucaaradka ahi, tartan ciyaareed ay dhallinyarada u qabteen lama arag, wax aan kursigaa Madaxtooyada inay ku fadhiistaan ahaynna maskaxdooda kuma jirto, dhaliisha ay dawladda dhalliilayaana maaha wax qabanaya, waayo xukuumaddu iyadaa wax walba qabatey oo baahiyihii bulshada intii ugu badnayd dabooshay”

Agaasimuhu wuxuu intaasi raaciyey in eedaymaha Mucaaradku aanay laa’iq ku ahayn xukuumadda "Eedahaasina waa wax aan laa’iq ku ahayn xukuumadda, mar kasta oo ay Mucaaradku hadlaanna taageerayaal ayaa ka taga. Markaa waxaan leeyahay Mucaaradka u tudha mustaqbalkiina, waayo waxqabadka xukuumaddu ka weyn wax sacabada lagu qarin karo” ayuu yidhi, Agaasimaha Maamulka iyo lacagta ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Cismaan Dubbe. 



Contact@afkashacabka.com