Gar-yaqaanka Guud Ee Dawladda Somaliland Oo Diyaarinaya Dacwad Ka Dhan Ah Telefiishanka Universal Iyo Wadamada Lagaga Furayo.

0
Wednesday March 26, 2014 - 13:08:10 in by Burco Office
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gar-yaqaanka Guud Ee Dawladda Somaliland Oo Diyaarinaya Dacwad Ka Dhan Ah Telefiishanka Universal Iyo Wadamada Lagaga Furayo.

    Dawladda Somaliland, ayaa diyaarinaysa dacwad caalamiya oo lid ku ah telefiishanka Universal kaasi oo caadeystay aflagaado uu kula kaco Madaxda qaranka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Somaliland, ayaa diyaarinaysa dacwad caalamiya oo lid ku ah telefiishanka Universal kaasi oo caadeystay aflagaado uu kula kaco Madaxda qaranka Somaliland.

Dawladda Somaliland, ayaa diyaarinaysa dacwad caalamiya oo lid ku ah telefiishanka laga leeyahay dalka Soomaaliya ee Universal, kaasi oo caadeystay aflagaado uu kula kaco Madaxda qaranka Somaliland.


Telefiishanka Universal oo tan iyo markii laga mabnuucay inuu ka shaqeeyo Somaliland, ka dib markii uu barnaamij dhan ku aflagaadeeyay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sii kordhiyey cayda uu ku hayo madaxda qaranka Somaliland, isaga oo ka dhigaya inuu xukuumadda Somaliland kaga aar guto.



Wasaaradda warfaafinta Somaliland, oo isha ku haysay barnaamijyada anshax darada ah ee ka baxsan hanaanka warbaahinta caalamku u shaqeyso, ayaa Gar-yaqaanka guud ee qaranka ka dalbatay inuu soo diyaariyo dacwad sharciya oo ka dhan ah Telefiishanka Universal, isla-markaana ay jideynayaan qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwo Somaliland-ba.


Wasiirkii hore ee wasaaradda kaluumaysiga Somaliland, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa jiritaanka dacwaddan u xaqiijiyey Wargeyska Somalilandtoday,waxaanu sheegay in gar-yaqaanka guud ee Somaliland, Gar-yaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan uu ku hawlan yahay diyaarinta dacwaddaasi.

Cabdilaahi Geel-jire oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi "Tv-ga Universal waxa laga leeyahay dalka Soomaaliya, dalkana maaha qarsoodi inaynaan saaxiib ahayn inkastoo wadahadallo inoo socdaan. Markaa layaab malaha inay saxaafaddooda inagaga timaado cay iyo aflagaado ku saabsan dalkeena iyo dadkeena oo madaxdeenu ku jirto, laakiin waxa la yaab leh heerka ay gaadhsiiyeen aflagaadada iyo xumaanta iyo isku dirka ay ka dhex wadaan umadda.”

Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo faahfaahinaya dacwaddaasi ayaa yidhi "Arrintaasi (Dacwaddaasi) way jirtaa Gar-yaqaanku wuxuu soo diyaarinayaa wax kasta oo sharciga dalka iyo ka caalamiga ahiba inoo jideynayaan ee aynu kaga hor tegi lahayn dagaalkaa ceebeynta ah ee inagaga socda Universal Tv. Waxaanu ka fakiraynaa inaanu kiisas ugu furno dalalka ay ka diiwaan gashan yihiin oo uu waddanka Ingiriisku ugu horeeyo, dalka gudahiisana waa la mid”







Source: Somalilandtoday