"Madaxwayne Siilaanyo Si Wanaagsan Ayaanu U Soo Wada Shaqeynay, Laakiin Is-afgaran Waa Na Dhex Maray Dawladda Ayaan U Banneeyay Musharaxnimadaydii Maayarka Berbera….." Cabdalle Sandheere
Maayarkii hore ee Magaalada Berbera, Cabdalle Maxamed Carab ayaa markii u horeysay ka hadlay sababihii uu uga tanaasulay tartankii uu u galay inuu mar kale noqdo Maayarka Magaalada Berbera, maadaama oo uu ka mid ahaa musharixiintii Golaha Deegaanka ee codadka badan ku soo baxay.

Cabdalle oo ugu horeyn ka hadlaya murankii warshadda Sibidhka ayaa yidhi "Warshadda Sibidhka ee Berbera waxa leh dawladda oo ummada reer Somaliland ayay ka dhaxeysaa, laakiin intii aan xilka hayey waxay ahayd mushkiladdii ugu weynayd ee i soo marta. Waxa jirtay mar Madaxwayne Daahir Rayaale uu dhagax dhigay oo uu yidhi niman Jarmal ah ayaa inoo Maalgelinaya, laakiin dadka reer Berbera waxay ku doodayeen dawladdu gacanta ha ku heyso, waxayna ka cararayeen in la yidhaahdo cid ganacsato ah oo gaar ah ayaa la siiyey, hasa-yeeshee muranku muu ahayn beel heblaayo haddaanu nahay annaga mooyaane cid kale qaadan mayso…”
Cabdalle Maxamed Carab oo la waydiiyey sababta keentay inuu dib uga fadhiisto tartankii uu u galay inuu mar kale Maayar ka noqdo Berbera, maadaama oo xilligaasi la sheegayey in dawladdu wadatay isla-markaana doonaysay inuu noqdo Maayarka Berbera, ayaa ku jawaabay "Dawladda Madaxwayne Siilaanyo si wanaagsan ayaanu u soo wada shaqeynay ixtiraam badanna waan u hayaa. Anigu waxaan ahaa qofkii helay codkii ugu badnaa (Musharixiinta KULMIYE Ee Berbera), markaa qofna muu filayn aniga oo Maayarkii hore ahaa Musharaxna aan ahaa inaan Kursigaa (Maayarka Berbera) banneeyo, laakiin marka runta laga hadlayo inyar oo is-afgaran waa ah oo aniga iyo dawladda (na dhex maray) ayaa keentay (Tanaasulkayga)…markaas ayaan anigu musharaxnimadaydii si ceeb la’aan ah dib uga baxay, laakiin ilaaqaadka aniga iyo dawladdu kuma burburin intaasi oo waa sidii”ayuu yidhi.
Contact@afkashacabka.com
Cabdalla sandheere oo Marki u horeysay ka hadlay Sababahii uu uga Tanaasulay Murashaxnimadiisi maayarka Berbera
"Madaxwayne Siilaanyo Si Wanaagsan Ayaanu U Soo Wada Shaqeynay, Laakiin Is-afgaran Waa Na Dhex Maray Dawladda Ayaan U Banneeyay Musharaxnimadaydii Maayarka Berbera….." Cabdalle Sandheere