Somaliland Iyo Puntland Ciidamo Ka Kala Socda La Sheegay In Ay Isku Horfadhiyaan Badhan

0
Wednesday March 26, 2014 - 16:11:17 in by
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Puntland Ciidamo Ka Kala Socda La Sheegay In Ay Isku Horfadhiyaan Badhan

    Ciidamada Labada Garab ayaa la sheegay Inay Haatan U Muquuto Ian Halkaasi dagaal Ka dhici doono Madaama oo haatan Keebka Qoryaha Ay Sitaan Uu Yahay Mid Furan isla Markaasna Ay Ridistii uun U Hadhsantahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Labada Garab ayaa la sheegay Inay Haatan U Muquuto Ian Halkaasi dagaal Ka dhici doono Madaama oo haatan Keebka Qoryaha Ay Sitaan Uu Yahay Mid Furan isla Markaasna Ay Ridistii uun U Hadhsantahay

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goobjoog ku ah degmada Badhan ayaa sheegay in ciidamo uu wato taliyaha ciidanka daraawiishta maamul goboleedka Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur uu soo gaadhay doraad degmada Badhan, kuwaas oo ila wareedyadu tibaaxeen inay dageen xero ku taala cidhifka bari ee magaalada Badhan.

Waxa sidoo kale tibaaxuhu intaasi ku dareen in ciidamo ka socda Somaliland gaar ahaan ciidamada qaranka oo la sheegay inuu hogaaminayo taliye Guray iyagana la sheegay inay habeen hore soo gaadheen Badhan, isla markaana ay dageen xero ku taala xaafada cidhifka galbeed ee magaalada Badhan.
Shacbiga ku dhaqan degmada Badhan ayaa la sheegay inay walaac ka muujinayaan xaaladaha ka iman kara ciidamada Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ee ku wada sugan Badhan oo la tilmaamay inay masaafad yar isku jiraan in dagaal ka dhex qarxo waxyeelana ka soo gaadho shacabka deegaamadaasi gaar ahaana Badhan.
Xigasho:Haatuf