KHARIIRAD CUSUB OO YEELAN DOONTO CAASIMADA HARGEYSA OO LAGU SOO BANDHIGAY MAANSOOR IYO UNHAPITAT OO KA CAAWISAY DAWLADA HOOSE

0
Wednesday March 26, 2014 - 16:03:57 in by Super Admin
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KHARIIRAD CUSUB OO YEELAN DOONTO CAASIMADA HARGEYSA OO LAGU SOO BANDHIGAY MAANSOOR IYO UNHAPITAT OO KA CAAWISAY DAWLADA HOOSE

    Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan dib u dejinta ee loo yaqaano UN-Habitat ayaa maanta si wada jira u soo bandhigay khariirad cusub oo ay yeelan doonto caasimada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan dib u dejinta ee loo yaqaano UN-Habitat ayaa maanta si wada jira u soo bandhigay khariirad cusub oo ay yeelan doonto caasimada Hargeysa.

Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dib u dejinta ee loo yaqaano UN-Habitat ayaa maanta si wada jira u soo bandhigay khariirad cusub oo ay yeelan doonto caasimada Hargeysa.

 

Kulanka lagu soo bandhigay khariirada cusub ee caasimada Somaliland ee Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay maayarka caasimada Hargeysa, xildhibaanada golaha deegaanka,xoghayaha fulinta ee dawlada hoose iyo madaxda hay’adda UN-Habitat.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay yeelan doonto caasimada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida khariiradan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala, waxaanu sheegay inay hir gelinta arintan kala kaashadeen hay’adda UN-Habitat oo ka caawisay fulinta barnaamijkaas.

Sidoo kale waxa kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay yeelan doonta caasimada Hargeysa ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emenah waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradan, waxaanu sheegay in khariiradan cusub ee ay u sameeyeen magaalada Hargeysa ay u sahlayso dadka aan kala garanayn magaalada inay si dhibyar u helaan halka ay doonayaan gaar ahaana hudheelada waa weyn iyo waddooyinka caanka ah ee dhex mara caasimada Hargeysa.



 









Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com