SHAQO ABUURKU WAA XALKA KALIYA EE TAHRIIBKA LAGU JOOJIN KARO W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

0
Monday February 23, 2015 - 11:16:17 in by salman abdi
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHAQO ABUURKU WAA XALKA KALIYA EE TAHRIIBKA LAGU JOOJIN KARO W/Q: Farhan Mohamed Hassan (rakad)

    Tahriibka waxa sida caadiga ah sababa astaamahan: ---------

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahriibka waxa sida caadiga ah sababa astaamahan: --------- n shaqo la abuuraa waxay u dhigan tahay in laga hor tagay tahriib. Somaliland guud ahaan waxa ka socda tahriib xaga dhalinyarada ah waxaana sababaya tahriibkaasi shaqo la,aanta Baahsan ee ka jirta guud ahaan somaliland, tahriibku waa aafo qaran, waa baaba , bulsho

, wadankasta oo laga tahriibaa wuxuu ku dambeeyaa wadan bilaa mustaqbala, wuxuu ku dambeeyaa wadan bilaa horumara, wuxuu noqdaa wadankaasi mid aan la tartami Karin dhigiisa oo aan gaadhi Karin cid ka horeysa, somaliland waxay haysataa Nabad buuxda 100%.

Tahriibka xalkiisu waa in la sameeyo shaqo, abuur, waa in la sameeyo goobaha dhalintu ku cayaaraan sida garoomo,iyo goobaha kale ee madadaalooyinka.

Sida xaqiiqdu tahay cidna ma jecla inay wadankooda ka tahriibaan ilaa ay la kulmaan dhibaatooyin baahsan ama ay la kulmaan niyo jab iyo shaqo la,aan baahsan.

Tahriibka waxa sida caadiga ah sababa astaamahan: ---------------

Magan galyo doon ama arimo siyaasadeed.

Dagaal mid diimeed iyo mid wadan oo dhaca.

Dhaqaale xumo, dadka oo nolol doon ah .

Adoomaysi in loo tahriibiyo.

Sababahaasi waa kuwa sababa tahriibka caadiga ah laakin maanta somaliland waxa sababa tahriibka waxyaalo aan caqli gal ahayn oo ay ka mid yihiin in ay doonaan nolol ka wanaagsan tan ay haystaan.

Aqoonyahan Siciid Ali yusuf oo aan ka waraystay sababaha keena tahriibka ayaa ku jawaabay dhawr arimood ayaa sababa waana sidatan:----

1: Tahriibka waxa sababa waa camal la,aanta oo ah ta koobaad ee sababta tahriibka.

2: waa qodobka labaad ee sababa tahriiba ayaa waxay tahay qofka oo shaqaysta oo aan camal la,aan haysan ayaa doonaya inuu tahriibo isagoonay baahi hayn, laakin doonaya inuu raadiyo nolol ka sii wanaagsan tan uu haysto.

3: Waxa kale oo sababay tahriibka dhalintii oo daawanaysa mareegaha facebook/twiterka/ iyo dhamaan social media oo la soo dhigo sawiro aan xaqiiqda ku sadhaysnayn halkaas oo dhalin badan ku hiig kacayso ka dibna ay bilaabayaan tahriib.

4: Waxa kale oo sababaya dhalinta oo aan haysan meel ay ku mashquulaan oo ay uga faaideeyaan aqoontii, xoogii, iyo meel ay ku cayaaraan ama cilmigoodii ku soo bandhigaan.

SI kasta oo ay tahay tahriibku waa baaba,a aan la qiyaasi Karin dhibkiisa iyo qasaaraha uu ku hayo wadankasta gaar ahaan somaliland.

Waxaase looga hor tagi karaa tahriibka iyadoo la sameeyo qodobadan soo socda

SHAQO ABUUR in la sameeyo: shaqo abuurkana waxa keenaya inaynu noqono Wadamo xooga saaraya warshadaynta oo maanta waxa jira fursado badan oo dalka ka buuxa , waxaana loobaahan yahay in warshado fara badan la hir galiyo sida warshada kalluunka, sonkorta,sibidhka,hilibka,qasaaca.

IN LAGA FAA,IDEYSTO QAYRAADKA WADANKA KA BUUXA: Wadanka waxa ka buuxa khayraad wanaagsan oo tayo leh kuwaasna waxa uu u baahan yahay in laga faa,ideysto khayraadka wadanku leeyahay ee inoo buuxa.

BEERAHA:waxa ugu muhiimsan ee laga hir galin karo somaliland waxa ka mida xaga beeraha oo aynu jaanis ka haysano laakin aynu dayacnay, tusaale ahaan waxa maanta aynu samaysan karnaa beero fara badan halkaas oo aynu ka heli karno shaqo abuur balaadhan waana jaanis balaadhan oo u baahan in laga faa,ideysto tusaale ahaan maanta gadbada liinta ahi waxay maraysaa52$taasi waxay ku tusaysaa in xaga waxbeerashadu tahay mid aad u hooseysa.

TECHNOLOJIYADA:Ka faa’ideysiga technologiyadu waa wada kaliya ee wax lagu soo saari karo taas oo laga faa’ideysan karo dhalinta aqoon yahanka ah ee takhasuska u leh, technologiyada cusub iyadoo wax badan lagu qaban karo.

Si kasta oo ay tahay muhiimadeenu waxa weeyaan inaynu si dhakhsaa uga qayb qaadano sidii aynu tahriibka u joojin lahayn shaqo abuurkana u badin lahayn si aynu uga faa’ideysano xooga iyo aqoonta ku qasaraya cidlada iyo saxaraha ku dhimanaya.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkaygan in laga wada qayb qaato sidii dadka iyo dalkaba looga dhaadhicin lahaa in wadanka laga faa’ideysto, in wadanka iyo nabadiisa laga faa’ideysto.


 

 





Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

Email:farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263-4400319

Berbera

Social activist/Free Journalism

Post number: RP 140

Dhamaad.

ALLAA........................... MAHAD.................................... LEH..........................................