Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Safar Uu Ugu Baxay Dalka Kenya Ugu Baaqayna In Ay Joojiyaan Daandaasiga Ay Wadaan Maamulka Putland

0
Wednesday March 26, 2014 - 21:47:31 in by salman abdi
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Safar Uu Ugu Baxay Dalka Kenya Ugu Baaqayna In Ay Joojiyaan Daandaasiga Ay Wadaan Maamulka Putland

    Wasiirka Wasarada Ganacsiga Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar Ayaa Ka Hadlay Ujeedada Safar Uu Maanta Ugu Baxay Dalka Kenya Isaga Oo Sheegay In Uu Kulamo Uu La Yeelan doono Masuliyiinta Dawlada Kenya Iyo Ganacsatad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasarada Ganacsiga Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar Ayaa Ka Hadlay Ujeedada Safar Uu Maanta Ugu Baxay Dalka Kenya Isaga Oo Sheegay In Uu Kulamo Uu La Yeelan doono Masuliyiinta Dawlada Kenya Iyo Ganacsatada Wadankaasi Oo Ay Kaga Wada hadli doona Sidii Ay Somaliland U Maalgashan Lahayeen.


Sidaasi Wax Uu Ku Sheegay Mar Uu Maanta Uu Ka Dhoofayey Madaarka Caalamiga Cigaal Ee Magaalada Hargeysa.

Dhanka Kale Wax Uu Maamulka Puntland Ugu Baaqay In Ay Xasarada Iyo Colaad Ay Hurinayaan Joojiyan Oo Ay Ka Shaqeeyan Nabadgelayda.

Wasiirka Oo Ugu Horeyn Ka Hadlay Safarkiisa Wax Uu Yidhi. "Waxaan U Baxaya Dalka Keniya Caasimadasii Nayroobi Oo Aan Kula Kulmidoono Masuuliyiinta Dawlada Keniya Iyo Ganacsatadeed Oo Aanu Ka Wadahadlidoono Iskaashi Dhinaca Dhaqaalaha Ah Iyo Maalgashiga, Shirkado Badan Oo Reer Keniya Ah Ayaa Waxay Danaynayaan In Ay Xidhiidh Ganacsi La Yeeshan Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Ganacsatadeenba Marka Safarkaygu Waa Sidii Hawlahaasi Layskaga Arkilahaa Oo Loo Xoojin Lahaa, Runtii Inta Aan Joogana Waxaan Ka Qaybgalidoona Shirar Kala Duwan Oo Arrimahasi Ku Saabsan.”Ayuu Yidhi

Mar Wasiirka Wax Laga Waydiiyey Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Ee Marar Badan Dib U Dhacu Ku Yimid Waxa Uu Yidhi. "Kulmiye Waa Xisbi Aad U Balaadhan Waana Xisbigii Xukumiga Ahaa Ee Dalka, Muddo Ayey Socotay Hawsha Xisbigu Diyaargarawga Shirweynihiisu, Waa Shirweynihii Xisbiga Oo Wax Lagu Faaqidaya Sidii Uu Xisbigu Awoodiisa Uu U Muujin Lahaa Doorashada Madaxtinimada Ee Loo Asteyey 2015, Waxaan Rajeynayaa In Gudidii Loo Xilsaaray Ee Qabashada Shirweynaha Ee Uu Guddoomiyaha Xisbigu U Magacaabay In Ay Dhawaan Qabtan Shirkii Inkasta Oo Ay Ku Raageen Oo Ay Ku Rafadeen, Waxan Rajeynayaa In Ay Hawshaasi Soo Afjaranto Oo Xisbiga Sidii U Cadada Ahayd Uu Shirweynihiisa Oo Qiimo Leh Qabsado”Ayuu Yidhi.

 

Dhanka Kale Oo Uu Wasiirka La Waydiiyey Sidda Uu U Arko Xiisada U Dhaxeysa Puntland Iyo Dawlada Somaliland Ee Barriga Sanaag. "Xukumada Somaliland Waxay Maamulka Puntland U Aragta Gobol Ka Tirsan Somaliya, Somaliya Iyo Somaliland Waa Labba Dal Oo Jaar Ah Oo Wadda Hadal Ka Dhexeyo, Wax Kale Oo Aanu Puntland U Aragnaa Gobol Aanu Daris Nahay Oo Aanu Jecel Nahay In Aanu Nabadgelayda Ka Wadashaqayno Hasayeeshe Wadahadalo Iyo Arrimo Kale Oo Na Dhex Marayaa Oo Siyaasi Ahi Ma Jirto, Waayo Puntland Waa Somaliya Dawalda Somaliyana Ayaa Wadahadal Iyo Iskaaashi Lasameykarnaa Haaddii Amni Noqoto Iyo Haadii Siyaasad Noqoto, Waxanse Puntland Ugu Baaqay In Ay Ilaaliyan Jaarwanaaga, Oo Ay Ilaaliyaan Nabadgelyada Iyo In Ay Ogaadan In Somaliland Aanay Duulimad Ku Ahayn Dad Somaliyeed Noocu Doono Ah Noqdee Ama Puntland Ah Joogo Ama Somaliyada Kale Ha Jog In Aanu Xidhiidh Fiican La Yeelano Ayaan Jecel Nahay, Laakiin Wax Shido Ah Oo Dhinacayaga Ka Socota Ma Jirto Laakiin Waxanu Rajeynayaa In Taasi La Ixtiraamo Maamulka Puntlandna Joojiyaan Qaylo Dhaanta Colaad Ee Ay Mandaqada Kula Dhex Meerayaan.”Ayuu Yidhi Wasiirku.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com