Dhibbanaa Dadkayga dhimirka ahi!! W/Q: Mustafe-Shaybe

0
Wednesday February 25, 2015 - 08:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibbanaa Dadkayga dhimirka ahi!! W/Q: Mustafe-Shaybe

    Waa duni sirgacane ilayan yaab iyo wareer kama dhamaade. Hadmaa dadnimadii laga tagay?. Hadmaa dhalintii soo kacaysay raad koodii dub u raaceen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa duni sirgacane ilayan yaab iyo wareer kama dhamaade. Hadmaa dadnimadii laga tagay?. Hadmaa dhalintii soo kacaysay raad koodii dub u raaceen?


Hadmaa kii aqoon-yahanka ahaa iyo kii jaahilka ahaa laba kala garan wayay? Hadmaa naxariistii lagu badashay ku dheel-dheel? Dhibbadanaa dhoohanata dhalintaydu! Dhibanaa Dadayga dhimirka ahi!!

·Qofkii xaakin keenu waalay

·Xuskiisii uu qaaday

·Xaraabe hadaynu ka baadho

·Aakhiro Waa inoo xisaabee

·inaynu xaq-dhawrno weeye!!!

Amintu waa abaaro 5:00 galabnimo,ee gelinkii danbee Laamin (istiin). Waxaan soo fadhiistay Makhayad laga shaaheeyo,oo ku taala magaalada Burco. Waa goob leh barxad weyn oo Dhalinta, Waayeelka,Cuqaasha cid walababa galabtii ku casariyayso. Waxaan so fadhiistay aniga oo Shaaha u khamradoonaya. Hal cabaara hadaan fadhiyay oo fijaankii shaaha ahaa aan dhaadhankiisa dibnaha la raac-raacayo, ayaa waxaa dhagtayda ku soo dhacay dhawaaq, Qalbigayga dareen geliyay. Waar ninkaw shaaha ii shub walal!.

Hadaan deymooday aniga oo aan si fiican uga bogan qofka dhawaaqay ,ayaa hadana dhagtayda waxaa ku soo dhacay dhawaaq labaad oo isna argagax leh. Kkkk kkkk kkk kkk!! waaba qosol goo-goosa oo ay dhalinyaro,aan tiradooda ku qiyaasay 11 wiil oo si fiican u labisan una eeg dhalinyaro ka soo toosta guryo ladan kaga maadaysanayaan.wiil Dhimarka wax ka qaba! Oo aan ku qiyaasay inuu hada uun gu’gii 23 madaxa ka jaray.

Anigoo oo ka naxay kana Diir dubaaxshay hadlkii Wiilka ay baahidu ka muuqatay,dhimirkana wax ka qabay, ayaa hadana waxaan ka cadhooday oo Qalbigayga Sidii Holac iyo Hanfiga u leefay! dheel-dheelka ay dhalinyaradu ku samaynayso, wiilkan dhigooda ah ee Alle uu xiskii ka qaaday!. Intaan is hayn kari wayay ayaan ku idhi " anigaa kugu yeedhaya ee sug walal”.

Dhalintii haday sidaa iskaga daayaane waxay bilaabeen inay halkaa hadalo kaga soo tuur-tuuran. Iyaga oo ka maadaysanaya, kana badhaya xaraabe iyo waxaan looba fadhiyinba. "waxaan inabadan qalbiga hoose iska waydiinayay intii aan meesha fadhiyay oo aan ku mashquulay maxaa sidan u gartay dhalinyaradii” " Miyaanay garanayn in qofkani uu yahay iyaga oo kale, oo uu Alle xiskiisii ka qaaday”.

Wiilkii inta uu Fijankii ka qacsiiyay ayuu ka bul yidhi, balse wuxuu ku sii gunuunacay oo dhagtayda ku soo duushay markuu ag-maraayay dhalintii ku qoslaysay, waar naga taga idinkaba nasii waalayee waxba hana siininee! Waa hadal runa waana wacyiga maanta ka jira dhamaan geyiga soomaaliyeed. Waxaaad arkaysaa Dad Illahay xiskoodii u illaaliyay oo halkay dadka Jilicsan ,ee Dhimarka wax ka qaba ugu gargaari laahaayeen, iyagii sii Dhibaaya!.

Meel laga xanuusado oo qofka Binu aadamka ah uu waayo waxaa ugu xun waa Dhimirka. Hadii qofku waxa san,waxa xun,waxa dhibaaya, iyo waxa u wanaagsan kala saari waayo dhibaato ka xumi ma jirto. Balse waxaad ogataa akhriste inaanu jirin xanuun aan laga Bugsan hadii la helo daryeelkiisa!. Waxaad kale oo aad ogataa qofka dhimirka ah inuusan xanuunkan dhaxal u yeelan balse adiga F lagugu imtaxaamaayo!




·W/Q/:-Mustafa H.Ahmed H. Derie

·Burco-somaliland

·Burao University

·Faculty of veterinary

·Email:onkod1990@gmail.com