BULSHOOY WAAN IDIN DHALIILAY !!! Qaybtii 2aad oo ku saabsan Dhalinyarta W/Q: Mr.Hamse Bashe Muhumed (Shaadhey)

0
Thursday February 26, 2015 - 08:42:24 in by salman abdi
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BULSHOOY WAAN IDIN DHALIILAY !!! Qaybtii 2aad oo ku saabsan Dhalinyarta W/Q: Mr.Hamse Bashe Muhumed (Shaadhey)

    Nabad akhristayaal waa Nuqul kale oo ku saabsan Maqaaladii taxana ahaa ee Bulshooy waan idin dhaliilay qaybtan labaad waxaan ku soo qaadan doonaa Doorka ay dhalinyartu ku qaadato horumarka iyo himilada uu dal hiigsaddo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaal waa Nuqul kale oo ku saabsan Maqaaladii taxana ahaa ee Bulshooy waan idin dhaliilay qaybtan labaad waxaan ku soo qaadan doonaa Doorka ay dhalinyartu ku qaadato horumarka iyo himilada uu dal hiigsaddo.


Dhalinyartu waa qaybta ugu muhiimsan ee bulshada waana kuwa ugu tirada iyo tayada badan ee waddan ku faano, Dhalinyartii sidaas ahayd Ayaa dalkeena marka aynu ka hadlayno aanay ka muuqan doorkii ay ku lahaayeen ee guubaabada iyo Gondo taabashada bulshada inteeda kale.

 


Waxaan Dhalinyarta maanta taagan oo aan kamid ahay ku dhaliilayaa sida iyo qaabka ay wax u wadaan, aan eegno Dhalinyartii bulshadu ku faani jirtay waxay u qaybsameen kuwo La daalaa dhacaaya Heerarka kala duwan ee waxbarashada oo aanaad maanta su’aal ka weydiin Karin xaaladaha waddanku ku jiro iyo heerarka uu maraayo, dhalinyarta kuwan ahi ma dhaafsiisna imtaxaan ka gudbid, kuwo waxbarashadii ka hadhay oo Suuqyada iyo Xaafadaha dhexdooda wareega, Mobilada iyo Agabka kale ee dumarka iyo dadku sitaana ka daffa, oo Hamigoodii uu noqoday wax ay qadaan iyo wax ay xoogaan, Qayb kamid ahi waa kuwo warqada ku qoray waddanow waan kaa quustay oo Waxay u xadhko xidheen Tahriib iyo Dhoof, Haddaba kuwan tahriibay waxaa kasoo hadhay xoogaa dhalinyar ah oo faro ku tirs ah isla markaana aan awood badan lahayn laakiin hadii ay iskashadaan oo ay kaashadaan dhalinyarta heerarka kala duwan ee waxbarashada ku jirta ay waddankooda wax ka bedeli kari lahaa, kuwaasi waa kuwo ka bedbaaday dhibaatada dalka ka jirta sida, Belwadaha, Tahriibka Iyo tuugonimada, waa kuwo u jeestay xaga allah misana Talaabo kasta oo wanaagsan ka fikira laakiin waxaa ka badtay kuwii dhalinyarta ahaa ee Dhaliilaha lahaa.

Haddaba adigu akhriste halkeed ku jirtaa? Heerka aad maanta taagantahay Maskaxdaada iyo Muruqaaga Wax ma ku meel marin kartaa? Fadlan jawaabaas iyo rayiga aad haysid Ilasoo xidhiidhsii, Halkaas ayaan ku soo afmeeryaa Qoraalkan kooban eek amid ah Maqaaladii Bulshooy waan idin dhaliilay

Hamse Bashe Muhumed

E-mail:Xamse18@gmail.com

Hargeysa/Somaliland