Xukumada Oo Qaaday Talaabo lagu Banaysanaysay In Ay Ka Saarto Dadka Ku Jira Guryaha Dawlada.

0
Thursday March 27, 2014 - 10:35:41 in by salman abdi
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Oo Qaaday Talaabo lagu Banaysanaysay In Ay Ka Saarto Dadka Ku Jira Guryaha Dawlada.

    Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland Ayaa Hay'adda Wadaniga Ah Ee HAVAYOCO Ka Dalbatay In Ay Uga Guuraan Guri Ku Yaala Xaafadda Goljano Oo Ay Dawladdu Leedahay, Kaasoo Ku Yaala Buqcad Muhiim Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland Ayaa Hay'adda Wadaniga Ah Ee HAVAYOCO Ka Dalbatay In Ay Uga Guuraan Guri Ku Yaala Xaafadda Goljano Oo Ay Dawladdu Leedahay, Kaasoo Ku Yaala Buqcad Muhiim Ah.


Qoraalka Wasaaraddu U Qortay HAVAYOCO Waxay Kaga Codsatay In Sida Heshiiskii Ay Wada Galeen Dhigayo Muddo Saddex Bilood Gudahood Ah In Ay Kaga Guurto, Iyagoo U Bandhigay Wixii Ka Hadhsanaa Mudadii Ay Heshiiska Kula Galeen In Ay Ka Doontaan Wasaaradda Hawlaha Guud.

Ma Cada Baahida Xilligan Keentay In Gurigaas Wasaaraddu Ka Saarto Hay’adda HAVAYOCO, Hase Yeeshee Waxay U Muuqataa In Ay Tahay Tijaabadii Ugu Horaysay Ee Ay Xukuumaddu Ku Banaysanaysay Guryaha Dawladda Maadaama Dhawaan Digreetadii Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Madaxweynuhu Soo Saareen Dhigaysay In Gacanta Dawladda Lagu Soo Celin Doono Hantida Ay Dawladdu Leedahay.

Gurigan Waxa Muddo Badan Daganaan Jirtay Hay’adda OXFAM, Balse Mudadii Danbe Oo Dhan Waxa Kiro Ahaan Ugu Jirtay HAVAYOCO, Taasoo Heshiis Muddo Laba Sano Ah La Saxeexatay Wasaaradda Hawalaha Guud, Waxaanu Heshiika Ay Wada Galeen La Mid Ahaa Heshiisyada Ay Wasaaraddu La Gashay Dhamaan Dadka Ku Jira Guryaha Dawladda, Kuwaas Oo Balanqaaday Marka Ay Dawladdu U Baahato In Ay Ka Guuri Doonaan.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com