Liverpool Oo Hal Dhibic U Jirta Hogaanka Horyaalka Ka Dib Guul Muhim Ah Oo Ay Ka Gaareen Sunderland

0
Thursday March 27, 2014 - 12:55:02 in by salman abdi
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Oo Hal Dhibic U Jirta Hogaanka Horyaalka Ka Dib Guul Muhim Ah Oo Ay Ka Gaareen Sunderland

    Liverpool ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyagoo hal dhibic u jira kooxda hogaanka heysa ee Chelsea ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Sunderland oo marti ugu aheyd Anfield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyagoo hal dhibic u jira kooxda hogaanka heysa ee Chelsea ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Sunderland oo marti ugu aheyd Anfield.

 

 


Tababaraha Liverpool ayaa kulankaan ku soo galay isagoo aan waxba ka bedelin line-upkiisii ugu danbeysay.

Reds ayaana ciyaarta inteeda badan iska heysatay qeybtii hore iyagoo maamulayay kubada islamarkaana heystay inta badan kubada taasoo keentay inay khadka dhexe ka qabsadaan Sunderland oo ay dhaqdhaqaaq u diidaan weerarka kooxda Black Cats.

Inkastoo aysan Reds abuurin fursado goolal loo filan karay qeybihii hore ee ciyaarta hadana hogaanka ayay qabteen daqiiqadii 39aad markii Santiago Vergini uu qalad ku galay Suarez oo goolka u furnaa taasoo sababtay kaliya in laad xor ah laga dhigo islamarkaana uu ka badbaado casaan toos ah.

1395866939946_lc_galleryImage_March_26th_2014_LIVERPOOL

Laadka xorta ah waxaa u soo istaagay Steven Gerrard kaasoo si fantastik ah shabaqa u dhex dhigay iyadoo goolhaye Manone uu awoodi waayay inuu celiyo laadka xorta ah ee ka soo baxay cagta Gerrard.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loogu ahaa Anfield ee Liverpool.

Reds ayaana hogaanka sii dheereysatay seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo kubad uu Jordan Henderson ugu dhiibay Sturridge afka hore ee xerada ganaaxa uu ka leexsaday ciyaaryahan ka hor inta uusan si cajiib ah goolka ugu qaadin taasoo wax fursad ah aan siinin goolhayaha Sunderland.


 

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 20aad ee uu Daniel Sturridge u dhaliyo xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League kooxda Liverpool.

Sturridge ayaana ku dhawaaday inuu mar kale shabaqa soo taabto daqiiqadii 54aad laakiin kubadiisii goolka u socotay waxa ay si kama ah ugu dhacday Suarez kaasoo isna ka sii faa’ideystay laakiin kubad cirib aheyd waxaa ka badbaadiyay goolhaye Mannone

Suarez ayaana fursad kale helay daqiiqado ka dib, isagoo baas uu ka helay Gerrard kaga soo xarooday dhanka bidix ee garoonka laakiin darbadiisa waxa ay si ciriiri ah ku hareermartay goolka.

 

1395867983400_lc_galleryImage_March_26th_2014_LIVERPOOL

Clattermole ayaa u dhawaaday inuu gool u soo celiyo Sunderland daqiiqadii 71aad isagoo darbo xoog leh oo uu ku tuuray goolka Liverpool ay soo beenisay birta goolka, laakiin daqiiqadii ku xigtay iyadana fursad kale uu helay Daniel Sturridge waxaa ka soo beenisay si la mid ah birta goolka Sunderland.

Sunderland ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 76aad ee ciyaarta iyadoo Ki Sung-Yeung uu kubad kooner aheyd madax ku dhaliyay, taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1. Goolkaas ka dibna Liverpool ayaa qalqal gashay iyadoo ciyaarta ay noqotay mid durbadiiba dhanka kale isku rogtay madaama ay Sunderland cadaadis saarayeen Reds.

Liverpool ayayna guusha ku raacday 2-1, iyadoo guushaan ay ka dhigan tahay in Liverpool ay leedahay 68 dhibcood iyagoo hal dhibic ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Chelsea. Waana kulankii 7aad ee isku xigta ee ay badineyso Liverpool

Kulanka soo socda Liverpool waxa ay garoonkeeda Anfield ku marti qaadi doontaa Tottenham axada soo socota.



Markasta iyo wakhti kasta Kale soco Ciyarahii Udanbayay ee Ka Dhacay Dacalada Dunida
Afkashacabka.com