Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u horeysay dhagax dhigeen
Wasiirka Madaxtooyada iyo wefti uu hogaaminayey oo
mashaariicdii ugu badnay Saaka Soo dhagax dhigay Degmada Warcimraan iyo Tirada
Mashaariicda la dhagax dhigay +SAWIRO
Wefti Ballaadhan oo uu horkacayey Wasiirka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay Xubno ka ahaayeen,
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Wasiirka Cafiimadka
Saleban Xaglatoosiye, Wasiirka Beeraha Faarax Geedoole, Wasiirudawlaha Maaliyadda Cisman C/lahi Saxardiid Cadaani, Wasiiirduwlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Xildhiban Cali Xasan
Maxmed Mareexaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Cafimadka, Agaasimaha Guud
eeWasaarada Maaliyadda, Taliye Xigeenka Booliska C/raaxman Liiban Fooxle,
Maamulka Gobolka Togdheer, Maamulka Degmada Burco , Salaadiin, iyo Haween ayaa
saaka si ballaadhan loogu soo dhoweeyey Degmooyinka Qoryaale iyo warcibraan.
Xildhiban Cali Mareexaan ayaa Deeq qalab Ciyaareed ah
(Sports) guddoonsiiyey maamulka dugsiga Qoryaale iyo masuliyiinta waxbarashada
ee heer Degmo, waxana halkaas ka hadlay Xildhiban Cali Mareexaan, iyo
Badhasabka Togdheer Maxmed Muse diriye, waxanay deeqdaasi qalabka ah ee isugu
jirta, Dhar, Kabo iyo kubbado ku wareejiyeen masuliyinta waxbarashada degmada
qoryaale oo ay sheegeen in la xoojiyo sports kooda lana dhiirigeliyo si degmadu
sannadaha danbe qayb uga noqoto tartanada cayaaraha gobolada.
Intas kadib waxa weftigu u sii gudbay Degmada war cimraan oo
saaka laga dhagax dhigay 9 mashruuc oo
ka mid ah mashaariicda horumarineed ee xukuumada madaxweyne siilaanyo sannadkan
ka fulinaysay degmooyinka Dalka.
Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada
warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u
horeysay dhagax dhigeen Biyo xidheen degmada loo samaynayo kadib markii Cabasho dadka deegaankaas ka timi ay ku
sheegeen in magaaladu wakhtiyada roobka noqoto Togag Biyo ah isla markaasna
dhib weyni ka haysato daadaadkaas, sido kale wuxu wasiirka caafimadku dhagax
dhigay MCH loogu talo galay degmada
warcimraan, wasiirka beeruhuna wuxu dhagax dhigay xafiiskii wasaarada beeraha, wasiirudawlaha maaliyadduna wuxu
dhagax dhigay xafiiskii wasaradda
xanaanada xoolaha, isago ballanqaaday in mashaariicda la dhagax dhigay oo
dhan wasaaradda maaliyaddu lacagteeda bixinayso oo ay ka go’antahay xukumada
madaxweyne siilanyo, Wasiirudawlaha Waxbarashada ayaa isna Dhagax dhigay Xafiiskii Wasaaradda Waxbarashada ee
Degmada, isagoo sheegay in dhismayaashi dugsiguna ka socdo degmada oo ay hore u
wadeen, Guddomiyaha Maxkamadda Racfanka ee Gobolka Togdheer aya isna dhagax Maxkmaddii degmada, Halka Taliyaha
ciidanka Asluubta ee Gobolka Togdheer uu dhagax Dhigay Jeelkii Degmada warcimran, isagoo ugu danbayntiina wasiirka madaxtooyadu
dhagax dhigay Xaruntii Dawladda Hoose ee Degmada warcimraan, Taliyexigeenka Booliska Somaliland C/raxman Liiban
Fooxle ayaa isna Gaadhi Booliis ku wareejiyey Taliyaha Ciidanka Bileyska
Degmada warcimraaan, kaasoo ka mid ahaa bu yidhi ballanqaad ay xukuumaddu hore
degmada ugu samaysay inay u keenayso Gaadhi Boolis oo ay ka codsadeen Ciidanka
Booliska Degmadani.
Intaas kadib Munasibad ballaadhan oo lagu soo dhoweynayey
Masuliyiinta iyo weftiga u hogaaminayey wasiirka madaxtooyadu ayaa lagu qabtay
Degmada warcimraan, waxana munasibadda ka hadlay Maayarka Degmada Warcimraan kuxigeenkiisa,
Haween iyo odayaal ka mid ah Dadweynaha Degmada Warcimraan, masuliyiin ay ka
mid ahaayeen Xasan Macalin afhayenka Guddiga Diiwangelinta Ururada, Xildhiban
Shiine Faliidh oo kamid ah xildhibanada degaanka degmada Burco oo degmadan ka
soo jeeda , Suldaan Maxmed Xaji Xuseen iyo Masuliyin kale oo ka soo jeeda
Degmada warcimraan, Dhammaantood waxay Bogaadiyeen Xukuumadda Horumarka
baaxadda leh ee ay ka waddo dalka iyo dardargelinta wax u qabashada bulshada,
sido kale waxay aad u bogaadiyeen safarkii madaxweynuhu ku maray Dalka intiisa
badan gaar ahaan socdaalkii Xeebaha Somaliland, waxayna qireen inaanay jirin Gobol
ama Degmo xukuumaddu hal mar u dhagax
dhigtay 9 mashruuc oo ka mid ah mashaaricda horumarinta degmooyinka dalka,
waxayna isku waaniyeen in xukuumadda u soo jeeda ee wax u qabanaysa la
shaqeeyaan isla markaasna ay gaadhsiiyaan inay midho dhalaan mashaariicda manta
la dhagax dhigay.
Maayarka Burco Maxmed Murad iyo Badhasabka Togdheer Maxmed
Muse Diriye ayaa iyaguna dadweynaha reer warcimraan ugamahadnaqay sida diiran
ee ay weftiga u qaabileen iyo qalbiga furan ee ay ku soo dhoweyeen, waxayna
sheegeen in xafiisyo badan oo kuwii qaranka ugu sareeyey iyo kuwii hooseeyey ba
isugu jira manta reer warcimran loo soo xidhay, iyagoo u soo jeediyey inay
xukuumadda la shaqeeyaan una abaalgudaan, maadaama wax aan dalka ba ka dhicin
loo sameeyey reer warcimraan oo maalin keliya 9 mashruuc loo dhagax dhigay.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan iyo
Wasiirudawlaha Maliyadda Cadaani oo munasibaddaas soo afmeeray ayaa
sheegay inay ku socdaan amar madaxweyne , kaasoo ah in madaxweynuhu weftiga
baaxaddaas leh u soo diray degmada warcimraan si mashaariic badan loogu so
dhagax dhigo qaarkood na loo fuliyo, waxayna ku booriyeen dadweynaha reer
warcimraan inay dhinacooda qabtaan oo ka qaybqaataan mashaariicdan, iyagoo u
sheegay in gacmo wada jir wax ku gooyaan.
Gebogabadii Waxa Weftiga degmada warcimraan loogu sameeyey
Hadhimo sharafeed qado ah, waxaana masuliyiintii ka midka aahaa weftiga
wasiirka madaxtoyadu in badan ka sheekeeyeen taariikhda degmada warcimraan oo
ay ku tilmaameen degmo taariikhi ah oo u baahnayd waxqabad iyo ln laga war
hayo, iyadoo galabtana ka soo carraabay weftigu, kuna soo hoyday Caawa
magaalada Burco.
Mustafe Osman (Mustafe Teacher)
Afkashacabka.com Burco /Office
Contact@afkashacabka.com
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN
Wasiirka Madaxtooyada iyo wefti uu hogaaminayey oo mashaariicdii ugu badnay Saaka Soo dhagax dhigay Degmada Warcimraan iyo Tirada Mashaariicda la dhagax dhigay +SAWIRO
Wasiirka Madaxtooyada iyo wasiiradii la socday ayaa Degmada warcimraan kala kulmay soo dhoweyn diiran oo aad u sarraysa, waxayna markii u horeysay dhagax dhigeen