Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qayb galay Shir Caalami ah oo lagaga hadlayo Muhiimada Kaadhadhka Aqoonsiga

0
Thursday March 27, 2014 - 19:54:26 in by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qayb galay Shir Caalami ah oo lagaga hadlayo Muhiimada Kaadhadhka Aqoonsiga

    Ilaa 60 waddan oo Caalamka ah ayaa shirkaasi ka soo qayb galay, waxaana Somaliland loogu marti qaaday si rasmi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa 60 waddan oo Caalamka ah ayaa shirkaasi ka soo qayb galay, waxaana Somaliland loogu marti qaaday si rasmi ah Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta ka qayb galay Shir Caalami ah oo lagaga hadlayo Muhiimada Kaadhadhka Aqoonsiga, sida Kaadhka dhalashada oo qof walba helo.

Ilaa 60 waddan oo Caalamka ah ayaa shirkaasi ka soo qayb galay, waxaana Somaliland loogu marti qaaday si rasmi ah. Shirkan ayaa lagu falanqaynayaa sidii qof walba u heli lahaa Kaadhadhka Aqoonsiga si loo sugo Amaanka Caalamka.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo danjire Cabdi fataax Siciid Axmed ayaa shirkaasi hadalo ka jeediyey kuwaasi oo ay ugu bandhigeen Qorsheyaasha Somaliland ee Samaynta Kaadhadh Aqoonsi, sida E-Passport iyo Kaadhka Dhalashada.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga ayaa Hay’addo dhinaca Maalgashiga ah halkaasi kula kulmay, waxaanu Si gaara ula hadlay Telefishanka HCTV, isagoo ka warbixiyey waxyaalaha shirkaddaha ay ka wada hadleen.

"Waxaanu Dalkan Kenya u nimid ka qayb galka Shir Caalami ah iyo inaanu wada hadalo la yeelano Hay’adaha Dalkan Kenya fadhigoodu yahay ee Ganacsiga iyo Shirkadaha kale ee Dalka Reer Kenya oo ah Maal Gashadayaal maalqaabeena ah oo dalkan uu fadhgoodu yahay. waxaa sida oo kale aanu ka qayb qaadanay Shirkan Caalamiga ah oo Lixdan dal isagu yimaadeen iyo Shirkado farabadan oo dalal kale ka jira,waxaana halkan jooga Shirkado fara badan oo ka qayb gali kara horumarka dhinac walba leh ee dalka Somalliland ka socda” Ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Danjire Cabdi fataax Siciid ayaa isna sheegay in Shirkadduhu danaynayaan ka qayb qaadashada Horumarka Somaliland, waxaanu yidhi "Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu ka soo qayb galno Shirkan Labada cisho soconayey oo Shirkadaha Caalamka ka socda oo dhami ay yimaadeen oo runtii Shaley bilaabmay,Maantana la soo gaba gabeeyey farxad weyna waa ay noo tahay. Waxaanay doonayan inay xidhiidh Maalgashi la sameeyaan Somaliland,runtiina aad ayaan u soo dhaweynaynaa waana wax lagu farxo”.






AFKASHACABKA.COM

NAYROBI OFFICE