Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.‏

0
Saturday March 29, 2014 - 05:41:43 in by London Office
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.‏

    Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.‏
Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.‏
Cadaani Oo Tuulada War-Cibraan Ka Ooyaya " Waa Halkii Dalka Laga
Xoreeyey Way Kumanaan Baa Ku DHintay" Waa Meel Aan Oohini Ool Oo
Wasiir Xirsi Mashaariic Ka Wado.
Burco () Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali
ayaa mashaariic dhagax dhig iyo xadhig jarid isugu jirta ka wada
tuulada War-cibraan sidoo kalena degaano kamid ah gobolka togdheer u
tegay si'ay usoo xaliyaan khilaafaadyo beeleed.
War-cibraan oo weftigu meel fagaare ah kala hadlayeen shacabka kuna
boorinayeen in bulshadu ilaashato mashaariicda xukuumadu ka wado
degaaanka ayaa waxaa mikrifoonka sidii horeba loogaga bartay afka kula
rooray wasiiru dawle Cadaani halkaaso laga filaayey inuu bulshada kala
hadlo hawlaha wasaarada uu ku magcaaban yahay ee maaliyada waxa uu
sikino gudahoodba bilaabay oohintii hibada loo siiyey isagoo u
baroor-diiqay dib u xorayntii dalka iyo dadkii ku dhintay "Way halkani
waa halkii dalka laga xoreeyey waxaa inagaga dhintay oo ku aasan
kumanaan mujaahid iyo maato faro badan, waa in aynu u baroor-diiqnaa
maaha in laga hadlo mashaariic iyo horumarka dadka maanta nool iyadoo
marka hore aan la xusin dadkii soo halgamay".
Dadkii oo dhami hal mar ayey is wada eegeen iyagoo isweydiinaya
xilimaa halkan lagu dhintay mise wasiirku wuxuu isku khaldayaa
war-cibraan iyo Xabaalihii Malko-Durdura.
Ayaandarada wehelka iyo rafiiqa u noqotay Cadaani iyo hal-jileeca uu
markiisi horeba u dhashay ayaa sabab u ah in uu kala saari kari waayo
wixii qaranku u igmaday oo uu kamarad jacayl darteed hadba Cidii wefti
ah ee meel u safraysa uu iska sii raaco, hadii weftiga laga reebona uu
saq-dhexe keligii isagii safro halkii uu maqlay in weftigu ku socdo.

by: Weriye Crisaaq