Weriye-Darwiish Oo Xalayto Dhallinyaro Hubaysani Dhaawacyo Ugu Geysteen Ceerigaabo Iyo Waxyeellooyinka Soo Gaadhey + Sawiro Naxdin Leh

0
Friday February 07, 2014 - 17:43:58 in by Super Admin
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye-Darwiish Oo Xalayto Dhallinyaro Hubaysani Dhaawacyo Ugu Geysteen Ceerigaabo Iyo Waxyeellooyinka Soo Gaadhey + Sawiro Naxdin Leh

    Weriye-Darwiish Oo Xalayto Dhallinyaro Hubaysani Dhaawacyo Ugu Geysteen Ceerigaabo Iyo Waxyeellooyinka Soo Gaadhey + Sawiro Naxdin Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye-Darwiish Oo Xalayto Dhallinyaro Hubaysani Dhaawacyo Ugu Geysteen Ceerigaabo Iyo Waxyeellooyinka Soo Gaadhey + Sawiro Naxdin Leh Weriye-C/laahi Xuseen Darwiish oo ah Weriyaha warbaahinta Royal TV, Wargeyska Waaheen iyo Shebekedda Oodweynenews ee Magaalada Ceerigaabo Ahna Wakiilka Ururka Solja ee G/Sanaag Ayaa Xalayto abbaara 10:30-pm rag dhallinyaro madaxa soo duubtay oo ku hubaysan Budhadh Iyo Toorriyo isagoo Xafiiskiisa hortiisa Telefoon ku hadlaya waxay halkaas hareeraha kala galeen budhadhkii ay siteen. Waxana weriyaha soo gaadhey dhaawacyo intooda badani madaxa iyo wejiga ka gaadheen.

Weriyaha ayaa loola cararay cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, sidoo kalena kooxdii hubaysnayd ee weriyahan weerarka kusoo qaaday ayaa boliisku mid kamid ah gacanta ku dhigeen. Kaasoo Maayorka Ceerigaabo Adeer u yahay oo walaalkiis dhalay, waxana ninkan la qabtay boliisku ku xidheen Saldhigga Dhexe Boliiska Ceerigaabo.

 

Arrintan ayaa daba joogtey kaddib markii dhacdadan hal habeen kahor Maayorka Ceerigaabo weriyahan kazoo saaray guriga martida ee Ceerigaabo isagoo ku yidhi"Waaryaa Iiga bax gurigayga mar danbena haysugu keen keenin meeshan hadduu allahaa alle yahay”. Taasoo aan la garanayn sababta maayorka ku kalliftey.

Waxana taas ka danbaysey isla maalinnimadii labaad wiil ka mid ah wiilasha maayorku dhalay inuu weriyahan telefoonka uga soo hanjabey isagoo ugu ballan qaaday inuu naftaba waasiin doono. Hanjabaaddan oo weriyuhu gaadhsiiyey Madaxa C-I-D-da boliiska Ceerigaabo Waxana waxyaabahaasi marag u yihiin weerarka caawa weriyahan lagu soo qaaday inuu yahay mid laga soo abaabuley guriga maayorka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

 

Waxaa iyana layaab noqotay ninkii dhawaca u gaystay weriye Darwiish inuu saldhiga kala baxay maayorka degmada ceerigabo lamana garanayo sababta u masuulkan denbii laha ugala baxay jsaldhiga

Dhinaca kale hay’adaha sharciga ayaa laga filayaa weerarkan weriyaha lagu qaaday iyo waxyeellooyinkan loo geysteyba inay dadka loo qabtay ee maayarlka degmada ceerigabo u kala baxay saldhiga iyo kuwa loo tuhunsan yahayba sharciga ku abaal-marin doonaan.



Afkashacabka.com
Ceerigaabo / Office