Kooxda Reer Portugal Oo Ugu Cadcad Inay U Soo Gudubto Wareega 8da Champions League. iyo FC Porto v FC Basel

0
Tuesday March 10, 2015 - 09:10:06 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Reer Portugal Oo Ugu Cadcad Inay U Soo Gudubto Wareega 8da Champions League. iyo FC Porto v FC Basel

    Macalinkooda Paulo Sousa ayaa FC Basel u kaxeynaya wadankiisa, iyadoo ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinkooda Paulo Sousa ayaa FC Basel u kaxeynaya wadankiisa, iyadoo ....


Kulanka: FC Porto v FC Basel

Garoonka:Estádio do Dragão

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Kooxda reer Switzerland ee FC Basel ayaa wajaheysa Porto iyagoo og inay tahay horumariyaan rikoorkooda kulamada ay la ciyaaraan kooxaha Portugal haddii ay markii ugu horeysay ka gudbayaan wareega 16ka Champions League.

Macalinkooda Paulo Sousa ayaa FC Basel u kaxeynaya wadankiisa, iyadoo kulankii lugtii hore ka dhacay Switzerland lagu soo kala baxay barbaro 1-1 ah. Kooxda reer Portugal ee FC Porto ayaanan weli laga badinin Champions League xilli ciyaareedkan sagaal kulan oo ay ciyaareen iyagoo lix ka mid ah badiyay halka seddexda kulan kale ay barbaro galeen.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda martida loo yahay caawa ee FC Porto waxaa dhaawac gumaarka ka soo gaaray uga maqnaan doona weeraryahankooda furaha u ah Jackson Martinez. Dhanka kooxda Basel waxaa dhaawacyo kaga maqan Ivanov, Traore iyo Delgado oo xumad ay heyso, halka Suchy uu ganaax ku seegayo kulankaan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

FC Porto: Fabiano; Alex Sandro, Maicon, Marcano, Danilo; Casemiro, Herrera, Evandro; Brahimi, Tello, Aboubakar.

FC Basel: Vaclík; Xhaka, Schärm, Samuel, Safari; Frei, Elneny; González, Zuffi, Gashi; Streller.

MA OGTAHAY?

  • Porto waxaa laga badiyay kaliya hal jeer todoba kulan oo ay ka horyimaadeen kooxaha Switzerland ka dhisan.