Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Xalayto Arsenal Ka Badisay Manchester United Ee FA Cup.

0
Tuesday March 10, 2015 - 10:14:48 in by Burco Office
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Xalayto Arsenal Ka Badisay Manchester United Ee FA Cup.

    Arsenal ayaa xalayto xaqiijisatay booskeeda semi-finalka FA Cup ka dib markii ay 2-1 ku qaarjiyeen kooxda Man United oo marti loogu ahaa Old Trafford, iyadoo Danny Welbeck uu goolka guusha ka dhaliyay kooxdiisa hore. Waxaana eegi doonaa shan waxyaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa xalayto xaqiijisatay booskeeda semi-finalka FA Cup ka dib markii ay 2-1 ku qaarjiyeen kooxda Man United oo marti loogu ahaa Old Trafford, iyadoo Danny Welbeck uu goolka guusha ka dhaliyay kooxdiisa hore. Waxaana eegi doonaa shan waxyaabood oo laga bartay kulankii xalayto


.

Welbeck Oo Qosolka Uga Danbeeyay Van Gaal

Welbeck waxa uu ka soo baxay akadeemiga Manchester United waxaana uu kooxda Red Devils u ciyaaray in ka badan 150 kulan. Si kastaba, waxaa loo arkay inuu dheeri ku yahay ciyaartoyda uu u baahan yahay Van gaal isagoo laga iibiyay Arsenal heshiis 16 milyan ginni ah xagaagii hore.

Welbeck ayaana fursad u helay inuu macalinkiisa hore tuso inuu ku qaldanaa inuu ka ceyriyay kooxda, laakiin qiiradiisa ayaa ka tan badisay qeybtii hore ee ciyaarta. Weeraryahanka England ayaana u muuqday ku isku dhexyaacsan bilowgii isagoo ku dhibtoonayay inuu kubada ceshto, inkastoo uu rigoore ku andacooday markii Marcos Rojo uu dhulka dhigay. Si kastaba, 25 jirkaan ayaa isdejiyay islamarkaana guusha ku hogaamiyay Arsenal markii uu si deganaan ah kubada u la maray De Gea islamarkaana shabaqa ku hubsaday ka hor inta uusan ku dabaaldegin garoonkiisii hore.

Di Maria1

Di Maria Oo Mar Kale Sabab Isagu Noqday In La Eedeeyo.

Di Maria ayaa ku dhibtoonayay inuu ka soo baxo lacagtii rikoorka aheyd ee uu Old Trafford ku yimid xagaagii. Xiddigii hore ee Real Madrid ayaana xitaa lala xiriirinayay inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqayo kooxda Faransiiska ee PSG.

Si kastaba, 27 jirkaan ayaa soo bandhigay hordhaca waxa uu sameyn karo kulankii Gunners ee xalayto isagoo karoos cagta bidix ah soo qaaday markii Rooney uu dhaliyay goolka barbaraha. Di Maria ayaa marar badan oo isku xigta xujo ku ahaa daafaca Arsenal, waxaana uu ku nasiibdarnaa inuusan shabaqa soo taabanin markii goolhaye Szczesny uu darbadiisa ka celiyay ka hor waqtigii nasashada.

Xiddiga reer Argentina ayaase amaan kasta oo uu ku heli lahaa kulankaan isaga ciyaaray markii uu casaan ku qaatay labo kaararka jaalaha ah oo isku xigta. Di Maria ayaa markii hore calaamada jaalaha loogu taagay inuu istuuray, ka dibna waxa uu qaatay kaarkiisa labaad markii uu funaanada ka jiiday garsoore Oliver.

1

Fellaini Waa Nin Weerar.

Iyadoo Robin van Persie uu dhaawacan yahay islamarkaana Radamel Falcao uu la dhibtoonayo inuu qaab ciyaareed joogta ah soo bandhigo, Marouane Fellaini ayaa loo isticmaalayay dhawaanahan inuu xoojiyo weerarka.

Si kastaba, xiddiga reer Belgium ayaa cadeeyay inuu u qalmo booskiisa weerarka, isagoo Man United siiyay hanjabaad kale oo dheeri ah oo dhanka weerarka ah. 27 jirkaan ayaana mixno ku noqday daafacyada dhexe ee Per Mertesacker iyo Laurent Koscielny, waxaana uu asxaabtiisa siiyay boos ay ku dhaqdhaqaaqaan.

Waxa uu galay afar qalad ka hor waqtiga nasashada, waana in ka badan inta ay galeen ciyaartoyda Arsenal oo dhan marka la isku geeyo 45tii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeysay. Si kastaba, Fellaini waxaa ka maqan kaliya dabciga gooldhaliyayaasha ee ay ciyaarta ku dili karaan, waxaana uu go;aansaday inuu dhibaato ku soo laabto isagoo boos fiican u taagnaa inuu kubada darbeeyo qeybtii hore.

2

Valencia Waa Ku Fashilmay Kubad Difaacasho.

Tababare Louis van Gaal ayaa Antonio Valencia u isticmaalayay xilli ciyaareedkan inta badan garabka daafaca midig. Si kastaba, 29 jirkaan ayaa soo bandhigay sababta uusan u aheyn daafac dabiici ah madaama uu qalad ku lahaa labadii gool ee ay Arsenal dhalisay xalayto.

Roy Kean eayaa ku tilmaamay xiddiga Ecuador mid ceeboobay madaama uu sameeyay qaladaad caruurnimo ah oo keentay in Monreal uu hogaanka u dhiibo Arsenal ka dib markii uu ilaalin waayay daafaca Isbaanishka. Waxaana ay xaalada ku sii xumaatay qeybtii labaad markii uu baas hadiyad ahaan u siiyay Welbeck kaasoo guusha u xaqiijiyay Arsenal.

3

Rooney Waa Gooldhaliye

Van Gaal ayaa dhawaanahaan Rooney u isticmaalayay khadka dhexe, laakiin taageerayaasha United ay si weyn u doonayay in Rooney lagu soo celiyo weerarka.

Macalinka reer Holland ayaana codsigooda aqbalay markii Van Persie uu dhaawacmay iyadoo kabtanka England lagu soo celiyay weerarka kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Newcastle horaantii bishaan.

Rooney ayaana afka hore ee weerarka xalayto ka garab ciyaarayay Fellaini, waxaana uu soo bandhigay halistiisa ugaarasho ee goolka isagoo kubad madax ganaatl ah dhaliyay kuna barbareeyay ciyaarta qeybteedii hore.

contact@afkashacabka.com