"Shalay waxay ahayd Halgan Maantana Waa Horumar" " Mashaariicdan Horumarineed Waxay Muujinayaan Sida ay Xukuumada uuga Go'an tahay Horumarinta Gobol iyo Degmo Walba" Wasiirka Madaxtoyada JSL

0
Saturday March 29, 2014 - 09:21:09 in by Super Admin
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shalay waxay ahayd Halgan Maantana Waa Horumar" " Mashaariicdan Horumarineed Waxay Muujinayaan Sida ay Xukuumada uuga Go'an tahay Horumarinta Gobol iyo Degmo Walba" Wasiirka Madaxtoyada JSL

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyey Dhagax dhigga 9 Mashruuc oo ay xukuumaddu u dhagax dhigtay Deg.WARCIMRAAN Hal mar.Wasiirku Qoraal kooban oo uu ku baahiyey Boggiisa Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah ayu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyey Dhagax dhigga 9 Mashruuc oo ay xukuumaddu u dhagax dhigtay Deg.WARCIMRAAN Hal mar.Wasiirku Qoraal kooban oo uu ku baahiyey Boggiisa Facebook iyo Bloggiisa Gaarka ah ayu ku yidhi Sidan:
Shalay waxay ahayd Halgan Maantana Waa Horumar” 
 
" Mashaariicdan Horumarineed Waxay Muujinayaan Sida ay Xukuumada uuga Go’an tahay Horumarinta Gobol iyo Degmo Walba” 
 

Waxay ahayd maanta kadib markaan u kicitinay degmada War-Cimraan aniga iyo wafti balaadhaan si aan mashaariic horumarineed u soo dhagax dhigno una soo balan qaadno fulintooda,

Mudadii aan ku sii jeednay degmada War-Cimraan ayaan sii marnay deegaamo kale isla markaana ay nagu soo dhawaynayeen qalbi furan iyo caqli caafimaad qaba,

Waxaa hubaal ah in dalkeenu  soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan isla markaana uu yahay dal u baahan wax ka qabasho iyo hiigsi horumar baaxad leh, si aan uula tartano dunida inteeda kale

Maalinba meel ayuu marayey dalkeenu , shalay waxaan ku jirnay halgan aan dib uugu helayno dalkeenii maantana waa Illahay Mahadii oo waxaan cagta saarnay jidkii horumarka .

Dhagax dhiga iyo balan qaadka aan maanta u soo samaynay degmada War-Cimraan waxay muujinaysaa sida ay xukuumada uuga go’an tahay horumarinta gobol iyo degmo walba oo dalkeena kamida.

Waxaan ku faraxsanahay dadkeena Somaliland meel ay jooganba sida ay uugu heelan yihiin horumarinta dalkooda, isla  markaana ay dhamaan u  leeyihiin dareenka ah iska wax u qabso iyagoo ku sifoobay gacmo wada jir bay wax ku qabtaan.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq. 





Afkashacabka.com

Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com