Jose Mourinho: "Ma Jirto Koox Kaga Dagaal Badan Garoonka Dhexiisa PSG". Laurent Blanc Oo U Jawaabay: "Ma Jirto Ciyaaryahan Ka Rabshad Jecel Diego Costa

0
Wednesday March 11, 2015 - 12:14:48 in by Burco Office
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho: "Ma Jirto Koox Kaga Dagaal Badan Garoonka Dhexiisa PSG". Laurent Blanc Oo U Jawaabay: "Ma Jirto Ciyaaryahan Ka Rabshad Jecel Diego Costa

    Jose Mourinho iyo Laurent Blanc ayaa qeyb ka ahaa dagaal dhanka afka ah ka hor kulankooda caawa ee Champions League ee lagu go'aansan doono kooxdii u soo bixi laheyd wareega 8da ka dib markii lugtii hore ee Paris ay ku soo kala baxeen barbaro 1-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho iyo Laurent Blanc ayaa qeyb ka ahaa dagaal dhanka afka ah ka hor kulankooda caawa ee Champions League ee lagu go'aansan doono kooxdii u soo bixi laheyd wareega 8da ka dib markii lugtii hore ee Paris ay ku soo kala baxeen barbaro 1-1 ah.



Mourinho ayaa sheegay in kooxda taajiriinta ah ee PSG inay yihiin kooxda ugu dagaalka badan garoonka dhexdiisa xitaa ka dagaal badan kooxda heerka afaraad ee Shrewsbury oo ay Chelsea la ciyaartay xilli ciyaareedkan kulan ka tirsanaa Capital One.

Macalinka PSG Laurent Blanc ayaa isna sii huriyay dabka isagoo uga digay ciyaartoydiisa inay iska ilaaliyaan qiyaanada Diego Costa uu isticmaalo iyo rabshada uu jecel yahay inuu kaga careysiiyo ciyaartoyda.

Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa yiri: "Waxaan u maleynayay in koox Ingariis ah aysan marnaba la yaabeynin ciyaar dagaal ku dheehan, sababtoo ah mintednimo wadankaan ayaa loogu yimaadaa. Xilli ciyaareedkan waxaa la ciyaarnay kooxo ka ciyaara heerka labaad, heerka seddexaad iyo Shrewsbury oo heerka afaraad ah, laakiin kooxdii ugu dagaalka badneyd garoonka dhexdiisa waa PSG.

"Aniga ahaan taas waxa ay ila aheyd la yaab. Iyagoo heysta ciyaartoy tayo leh, waxaan ka filayay inay kubad ciyaaraan oo dagaalkooda yaraado. Koox heysata ciyaartoy fantastic ah ayaa hadana ah kooxda heysata rikoorka qaladaadka ugu badan. Waa kooxdii qaladba qaladka ku xiga nagu galeysay, waa kooxdii mar walba taakal xun ku celineysay Hazard mar walba.”

Macalinka PSG Laurent Blanc ayaa isna dhankiisa weeraray Chelsea, laakiin waxa uu ka weeraray dhanka weeraryahankooda Diego Costa: "Waa wiil jecel in la taabto, jecel inuu dagaal hal ka hal ah la galo ciyaartoyda kale, waxaana uu aad ugu haboon yahay kubada cagta Ingariiska. Waxa uu jecel yahay dagaal iyo inuu ka careysiiyo ciyaartoyda ka soo horjeeda.

"Waa wax uu u baahan yahay. Waa uu u ooman yahay taas. Waana muhim inaan ciyaartiisa lala ciyaarin. Waxaan daawaday kulankii Tottenham, bilowgiiba waxa uu raadinayay dagaal.”

contact@afkashacabka.cok