"Somaliland waa deegaan ku haboon Maalgashiga, tusaale ahaan waxaanu leenahay dawlad wanaagsan, waxaanu leenahay hanaan cad oo dimuqraadiya ah, waxaanu leenahay oo jira xafiis qaabilsan diwaangalinta Maalgashadayaasha"Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL

0
Saturday March 29, 2014 - 09:39:50 in by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland waa deegaan ku haboon Maalgashiga, tusaale ahaan waxaanu leenahay dawlad wanaagsan, waxaanu leenahay hanaan cad oo dimuqraadiya ah, waxaanu leenahay oo jira xafiis qaabilsan diwaangalinta Maalgashadayaasha"Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL

    Wasiirka Ganacsiga soo u waramay Telefiishanka CNBC, ayaa sheegay in Somaliland u diyaarsan tahay Maalgashadayaasha caalamka isla-markaana u diyaariyeen xafiis gaar ah oo qaabilsan diwaangalintooda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Ganacsiga soo u waramay Telefiishanka CNBC, ayaa sheegay in Somaliland u diyaarsan tahay Maalgashadayaasha caalamka isla-markaana u diyaariyeen xafiis gaar ah oo qaabilsan diwaangalintooda,

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo booqasho ku jooga Magaalada Nairobi, ayaa ka waramay dedaalka xukuumaddu ugu jirto Maalgashi caalamiya oo lagu sameeyo Somaliland, sida dekedda Berbera iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Ganacsiga soo u waramay Telefiishanka CNBC, ayaa sheegay in Somaliland u diyaarsan tahay Maalgashadayaasha caalamka isla-markaana u diyaariyeen xafiis gaar ah oo qaabilsan diwaangalintooda, isaga oo iftiimiyey in xitaa cashuuraha laga fududeynayo, si loo soo jiido Maalgashadayaasha caalamka.

Wasiirka oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sida maalgashi loogu samayn karo haddii aan la ictiraafin Somaliland, ayaa yidhi "Somaliland weli lama aqoonsan, laakiin Afrika ayaanu si dhow ula shaqeynaa, Somaliland-na waa dawlad dimquraadiya, hanaanka dimuqraadiyaduna wuu shaqeynayey in ka badan 22 sanadood, waxa lagu guuleystay doorashooyin awoodda lagula kala wareegay, markaa Maalgashadayaashu dal kasta oo ay yihiin, Somaliland waa deegaan ku haboon Maalgashiga, tusaale ahaan waxaanu leenahay dawlad wanaagsan, waxaanu leenahay hanaan cad oo dimuqraadiya ah, waxaanu leenahay oo jira xafiis qaabilsan diwaangalinta Maalgashadayaasha oo tagi maysid meelo kala duwan, shirkadda maalgashi samaynaysa waxaanu siinaynaa dhulkii ay maalshagan lahaayeen, hantidooda waa loo ilaalinayaa”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay isaga oo hadlaya khayraadka dabiiciga ah ee ka buuxa Somaliland isla-markaana la maalgashan karo "Dalkayagu wuxuu leeyahay khayraad badan, oo ay ka mid yihiin shidaal, Macdanaha, dhul beereed iyo kaluumaysiga” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Waxaanu leenahay dekedda Berbera oo ah halka ay ku xidhan yihiin 90 Milyan ee Itoobiya, markaa sababo badan ayaa jira oo Maalgashadayaashu dalkayaga u daneynayaan..”


Wasiirka Ganacsiga Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay "Itoobiya xidhiidh ganacsi ayaanu leenahay iyo xidhiidh jaarnimo, waayo Itoobiya waxay isticmaashaa dekeddayada, inkasta oo aanu doonayno in la horumariyo dekedda oo awood u leh baahi-tirka dalalka Itoobiya iyo dalalka aan badda lahayn ee Koonfurta Suudaan oo kale..”






Contact@afkashacabka.com