Shirkadihii Laydhka ee Magaalada Burco oo ku midoobay Shirkad ay u Bixiyeen HECO iyo Madal lagu soo Bandhigay Midowga shirkadahan +SAWIRO

0
Saturday March 29, 2014 - 10:05:58 in by Super Admin
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadihii Laydhka ee Magaalada Burco oo ku midoobay Shirkad ay u Bixiyeen HECO iyo Madal lagu soo Bandhigay Midowga shirkadahan +SAWIRO

    Waa markii u horeysay ee Shirkadaha Ugu waaweyne ee Bixiya adeega korontada ay ku midoobaan Hal shirkad lana baxaan magac keliya, taasoo masuliyiinta iyo bulshaduba si wada jir ah u soo dhoweeyeen, kana muujiyeem rajo fiican

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markii u horeysay ee Shirkadaha Ugu waaweyne ee Bixiya adeega korontada ay ku midoobaan Hal shirkad lana baxaan magac keliya, taasoo masuliyiinta iyo bulshaduba si wada jir ah u soo dhoweeyeen, kana muujiyeem rajo fiican

 
 

 
 

Shirkadaha Laydhka Ee Midobay Oo Kala ah Somtel,Kaah,Beder iyo Plaza Electricity ayaa Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Midowga Shirkadahani Korontada ay ka soo Qayb-Galeen Wasiirka Madaxtoyada, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Badhasabka G/ Togdheer, Maayirka Degmada Burco, Saladiin, Cuqaal, Ganacsato iyo Marti Sharaf Kala Duwan.


 

Ugu Horaynba Waxa Xafladdaasi ka hadlay Cabdalle Oo ah Guddoomiyaha Guddiga Boodhka ah ee Midaynaysay Shirkadaha Laydhka ee Magaalada Burco Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Marxaladihii kale Duwanaa Ee Uu Soo Maray Midowgani iyo Waliba Siday Ugu Gulaysteen inay Mideyaan Dhamaanba Shirkadaha Laydhka, si adeega korontada kor loogu qaado, loona helo koronto Tayo leh oo qiimo jaban, Waxaanu yidhi "Midowga Shirkadaha Laydhka Burco Waxaanu Soo Wadnay Muddo Laba Sano ah ilaahay Mahadii Caawana Qorshahayagii Wuu Hirgalay Oo Way Midoben Shirkadihii Laydhka Burco,Waxaanay ku Midobeen Magaca HECO,Waxaan Shacabka u Shegaynaa umanaan Midobin Dantayada Ee Waxaanu u Midownay Dantayada,Danta Dadwaynaha,iyo Danta Qaranka Somaliland,Waxaananu Jecel Nahay in Aanu Samayno Oo Cudud Aanu ku Tarno Magalada Burco,Runtii Waxa Farxad ah Dadkeenu intay isku Tagaan ayay Shirkado Samaystaan Lakiin Waligeed May Dhicin inay Shirkado Waawayn Oo Shaqaynaya Oo Mid Kastaba Faido Donayso inay Midobaan,Waxaanay Gudidu ilaahay Mahadii ay ku Gulaysteen in Afar Shirkadood Oo Mid Walba Maamul Gaar ah Lahayd ay Hal Mar Heel isugu Wada Geyaan" Ayuu Yidhi Guddoomiye Cabdalle


 

 

Maareeyaha Shirkadaasi HECO Ee Gobalka Togdheer Khadar Jibriil Aden Oo isaguna ka Hadlay Xafladaasi Baladhan ayaa isaguna Dhankiisa Bulshada Reer Burco Ugu Bushareyay inuu Midowga Shirkadahani Uu Horseed u Noqon-Doono Qiimo Dhimis Lagu Sameyo Adeega Korontada Ee Shirkadaasi.


 

 

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii "Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay in Aan Daahfurno Shirkada Laydhka HECO,Shirkadani Waxay Waxtar Wayn u Leedahay Dhamaanba Bulshada Gobalka Togdheer,Runtii Waa Tusaale Lagu Dayan-Karo inay Midobaan Shirkado Waawayn Oo aynu Wada Garan-Karno Shirkad Kastaba Quwadii ay Lahayd,Waxaan Balanqadaynaa in Aanu Tayayn-Doono Adeegii Korontad Laydhka,Faidoyinka Uu Midowgani Leeyahay Haddii Aan Waxyar idinka Taabto,in Aanu Kor u Qaadno Nabad-Galyada Laydhka Oo Aanu ka Dhigno Mid Amaan ah,in Aanu Kor u Qaadno Tayadda Dabka,in Aanu Kor u Qaadno Adegii Aanu Bixin-Jirnay,Waxanan Sidoo Kale Bulshada Reer Burco Ugu Busharaynayaa in Aanu Qiimo Dhimis ku Samayn-Doono Adeegga Korontada Laydhka" Ayuu Yidhi Maareyaha Shirkadaasi HECO Khadar Jibriil Aden

Gudomiyaha Shirkaasi HECO Maxamuud Axmed Liiban Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Dhankiisa Tilmaamay inuu Midowgani Yahay Mid Faido Badan u Leh Bulshada Gobalka Togdheer. Waxaanau yidhi "Runtii Midowga Shirkadahani Wuxuu ku Yimi Dedaal iyo Bisayl Loo Soo Galay Muddo Laba Sanno ah,Runtii Waxaan Odhan Karaa Caawa Waa Guul Mar Haddii Laydhkii Burco Oo Dhan Hal Meel Laga Wada Shidayo,Arrintani Waxay Keenaysaa Faidoyin Badan Oo ay Bulshadu Sugaysay,Marka la Midoobo Shirkaduhu Waxay Awood u Yeelanayaan inay Helan Awood ay Tamar Jaban idinku Kenaan,Waa Wax Lagu Dayan-Karo inay Midobeen Shirkadihii Waawaynaa Waxaanan Leenahay Shirkadaha Kalana idinkuna Midooba,Maanta Waa Farxad Burco Waxay Samaysay Wax Aan Hore Somaliland Uga Dhicin" Ayuu Yidhi Gudomiyaha Guud ee Shirkadda HECO.


Maamulayaasha Shirkaddaha DahabShiil Burco, iyo  Telesom Burco, Gudomiyaha Gudiga Ganasatada Gobolka Togdheer, Maareeyaha Shirkadda Laydhka Kaah Hargaysa isla Markaasna ah Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Ee Magalada Hargaysa Mr.Xasan Oo iyaguna Xafladaasi  ka Hadlay ayaa soo Dhaweyay Midowga Shirkadahani Laydhka, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen Mustaqbalka Gobolka Togdheer ee dhinaca laydhka, masuliyinta qaar waxay si gaar ugu mahadceliyeen Shirkadda Dahabshiil oo ay sheegeen inay kaalin muuqata ku lahayd Heshiiska iyo midowga shirkadahan.


Xildhiban Jaamac Xasan Aden Oo ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa shegay in Shirkadaha kale Ee Dalkana Looga Baahan Yahay inay Midoban Oo ay ku Daydaan Shirkadda HECO. Waxanu yidhi "Waxaan Amaan usoo Jeedinaya Cid Kasta Oo ka Qayb-Qaadatay Midowga Shirkadani Laydhka,Anigoo ku Hadlaya Afka Golaha Barlamanka,Afka Ganacsatada Reer Togdheer iyo Magaca Xisbiyada Mucaradka ahba Waxaan Soo Dhawaynaynaa Midowga Shirkadahani Oo Aanu leenahay Kuwa Kalana ku Dayda" Ayuu Yidhi Xildhiban Jaamac Xasan Aden


Eng: Cabdi Cali Barkhad Oo ka Mid ah ENGINEERADII Qiimaynayay Shirkadaha Laydhka Burco ayaa isna xukuumadda u soo jeediyey inay ilaaliso Adeegyada Shirkadadaha Gaarka loo leeyahay , wuxuna u soo jeediyey xukumadda iyo barlamaankaba in xeer cusub oo wasaaradda Tamartu u samaysay Shirkadaha Korontada la ansixiyo Waxaanu yidhi "Dawladda Waxa Looga Baahan Yahay inay ilaaliso Adeegyadda Shirkadaha Gaarka ah Walina Taasi Xukumadu Waxba Kama Qabanin,Wasiirka Tamartu Wuxuu Diyaargareyay Shuruuc Lagu Maamulo Shirkaddaha Laydhka,Haddii Dadwaynaha Reer Somaliland Loo Danaynaayo Wasiiradii Madaxtoyada iyo Tamartu Way Joogane hala Ansixiyo Xeerkaasi,Waayo Waa Hogaankii Xidhayay Shirkadaha,Ogaada Laydhku inuu Jabo Shirkaddaha Oo Kaliya Kuma Xidhnee Waxa Loo Baahan Yahay inay Dowladuna Gacan ka Gaysato,Wasiirka Tamar Mushkilad ayaa Haysata u Baahan in Lala Xaliyo Laydhku ilaa Hadda ma Taagno Meel Xadidan Dhinaca Dowladda,Waxaanu u Taagnan Kari la-yahay Wasiradii Howlaha Guud iyo Wasaradii Tamartuba Dhinac ayay ka Haysataan,Waxaan leeyahay Wasiirka tamarta haloo Daayo Wixii Tamar ka Hadlaya Si Loogu Madax Bananaysiyo Shaqadiisa" Ayuu Yidhi Eng Cabdi Cali Barkhad.


Badhasabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad, iyo Agasimaha Guud Ee Wasaradda Tamarta JSL oo iyana halkaasi ka Hadlay ayaa Dhankooda Tilmamay Faidada Uu Bulshada u Leeyahay Midowgu isla Markaasna Loo Baahan Yahay in la Tayeeyo Adeegga Korontada Laydhka.

Wasiirka Wasaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Shegay inay Wasarad ahaan soo Dhawaynayaan Midowga Shirkadaha Laydhka Togdheer, isla markaasna muhiimad weyn u tahay qaranka Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer Waxaan yidhi "Runtii Aad Baan Ugu Faraxsanahay in Afar Shirkadood Oo Waawayni ay Midobeen,Waxaanay Horseed Fiican u Noqon Karaan Reer Togdheer,Afarta Shirkadood Ee Midobay Ee la Baxay HECO Caawa Waxaan ku Kaftamayaa Kubadii Burco ayaa Badisay,Hargaysa ilaa Toban Shirkadood Oo isku Tagay Laba Shirkadood ayay isugu Tageen Waxaanay isugu Tagi-Kari Wayeen Hal Shirkad Waa Guul usoo Hoyotay Reer Burco" Ayuu Yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland

Gebagabadii Waxa Munaasibadasi Soo Xidhay Wasiiirka Madaxtoyada Xirsi Cali Xaji Xasan oo talooyin iyo codsi ba u soo jeediyey Shirkadaha isku biiray Waxaanu yidhi "Waxaan Caawa Tallo usoo Jeedin lahaa Shirkadaha Midoobay Oo Aan Leeyahay Dunida Waxaynu Nahay Wadanka Ugu Qaalisan Dhinaca Korontada Halkii Unit Waa Hal Dollar iyo Badh Shacabka ka Jabiya Sixirka Korontada Laydhka,Waxaan Tallo usoo Jeedinayaa Oo Aan Leeyahay Boqol iyo Shan iyo Labatanka Santi,Shan iyo Laban Santi iska Gooya Oo si ay Dowlada Hoose iyo Dowladda Dhexe ay iskaga Kashadaan in Jidad Wadooyin Loogu Sameyo Gudaha Magalada Burco" Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtoyada Somaliland.


Waa markii u horeysay ee Shirkadaha Ugu waaweyne ee Bixiya adeega korontada ay ku midoobaan Hal shirkad lana baxaan magac keliya, taasoo masuliyiinta iyo bulshaduba si wada jir ah u soo dhoweeyeen, kana muujiyeem rajo fiican

 






Afkashacabka.com

Burco / Office

Contact@afkashacabka.com