
Sideed ku noqon kartaa Hogaamiye la jecelyahay?! ( How can you be a loved leader?!) WQ: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).
Hogaamintu waxay u baahantahay Hogaamiye,gadh-wadeen ah,oo sida Awrka loo hogaamiyo u hogaamiya dadka.Hogaamiyeyaashuna waxay u kala qaybsamaan laba nooc:( A Good leader and A Bad one).Hadaba,hogaamintu waxay u kala qaybsameysaa;laba qaybood oo muhiim ah:(A Good leadership and a Bad one)!!!!
hogaamiyuhu waxa uu noqdaa mid lagu reeyo ama mid lagu hungoobo oo lagu khasaaro oo dadkii doortay ee ka dhigay hogaamiyaha dib aakhiro ugu dira….!!!ama mid lagu faano oo lagu nasto oo loo aayo oo rumeeya oo xaqiijiya himilooyinkii dadkii doortay ee wax ka dhigay. goob kasta oo ka mid ah, Nolosha-Bini’aadam kuna waxay u baahantahay Hogaamin fiican oo wax ku ool ah.
Hadaba,sida aynu lawada soconno waxa jira dad badan oo u jeellan in ay noqdaan Hogaamiye,maalin ka mid ah,maalmaha oo ay hogaamiyaan dadweyne iyo duunyaba.
Waxa hadaba lagama maarmaan ah,haddii aad dooneyso in aad noqoto Hogaamiye-fiican maalin maalmaha ka mid ah,oo aad ku riyooneyso arrintaasi…waxaad isku daydaa in aad qaato ama isku fuudhiso astaamahan fuudhka u noqon kara hogaaminta-fiican… haddii aad isku daydo in aad astaamaha iyo hab-dhaqankan ku sifowdo waxaad noqon kartaa hogaamiye fiican oo la jecelyahay.( A good and a loved leader),
waxaanad ka tagi kartaa raad fiican iyo taariikh dadku ay jecelyihiin oo ay tusaale u soo qaataan markasta oo ay arkaan qof hogaamin xun ama aan lahayn hogaamintii looga baahnaa!!!!!!!!!!!!
Waxa ka mid ah;Hogaaminta fiican:
-Caddaalad!
-Aqoon!
-Waayo-aragnimo!
-Naxariis!
-Dulqaad!
-Eex la’aan!
-Qabyaalad la’aan!
-Qab la’aan!
-Dabeecad-fiican!
-Dad-aqoon!
-Dal-aqoon!
-Go’aan-qaadasho!
-Wada-tashi!
-Deeqsinimo!
-kaftan-aqoon!
-Fursad-ka faa’iideysi!
-Furfurnaan!
-Foojignaan!
-Wadashayn-wanaagsan!
-Ujeeddo-yeelasho!
-Ilaalinta-Nadaafadda jidhka iyo huga iyo deegaanka aad ka shaqeyneyso!
-Booqasho-niyad fiicni ku jirto sameyn!
-Codkarnimo!
-Amar-qaadasho!
-Aarsi-la’aan!
-In aan lagugu soo Hungoobin!
-Muraad u dhammayn dadka wax ku soo mooda!
-Xilkasnimo!
-Xilgudasho!
-Xil-wareejin fiican marka uu xilku kaa dhammaado!
-Kursi-jacayl la’aan!
-Qirashada-qaladaadkaaga!
-Dib u sixid Qaladaadkaaga marka aad ogaato!
-In aad kala taqaanno dadka aad hogaamineyso iyo waxay kaa aaminsanyihiin!
-Dhoollo-Caddeyn mar kasta iyo Hadal dabacsan!
-Gargaaridda iyo ka war haynta dadka-masaakiinta ah ee indhuhu ayna qabaneyn!
-Ilaalinta-Wakhtiga!
-Xallinta-khilaafka si niyad fiicni ku jirto!
-Ballan-qaad oofin!
Qore;C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).
Macallin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School for English
Email:ansaari25@hotmail.com/Tel:063 4175733.
Hargeysa,Somaliland.
Sideed ku noqon kartaa Hogaamiye la jecelyahay?! ( How can you be a loved leader?!) WQ: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).
Hogaamintu waa shay aad iyo aad u muhiim ah,oo ka mid ah nolosha bini'aadamka. Waana shay markasta ay dadku u baahanyihiin.