ciidamada RRU-da oo kaashanaaya Laanta socdaalka Somaliland Gacanta Ku Dhigay Nin Argigixisa Ah Magaalada Hargeysa

0
Saturday March 14, 2015 - 17:46:41 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ciidamada RRU-da oo kaashanaaya Laanta socdaalka Somaliland Gacanta Ku Dhigay Nin Argigixisa Ah Magaalada Hargeysa

    Hargeysa(AFKA)ciidamada RRU-da oo kaashanaaya Laanta socdaalka Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey hawlgalo ka wadey magaalada Hargeysa meelo kamid ah,kuwaas oo deganaa xaafado iyo hudheelo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa. Ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)ciidamada RRU-da oo kaashanaaya Laanta socdaalka Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey hawlgalo ka wadey magaalada Hargeysa meelo kamid ah,kuwaas oo deganaa xaafado iyo hudheelo kala duwan oo ku yaala magaalada Hargeysa. Ciidamada oo kaashanaaya dadweynaha caasimada Hargeysa ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo dadweynuhu uga shakiyeen inay ka shakiyeen.

Ciidamada ayaa shalay 9:15 subaxnimo ka qabtay xaafada isha Borame nin ay in muddo ah ku daba jireen,kaas oo halkaasi ka deganaa guri qol gaar ah ,sidoo kalena lahaa albaab gooniya,waxaanay tilmaameen inuu halkaasi doonaayey inuu ku farsameeyo waxyaalaha qarxa.

Ninkan waxaa ciidamada usoo gudbiyey reerkii guriga ka kireeyey,waxaanay ciidamadu qolkaasi kasoo saareen karaatoon nooca lagu farsameeyo qaraxyada ah,sidoo kalena reerkas ayaa sheegay inuu habeenkii odhan samayn jiray waxyaalahaasi.

Ninkan ayaa la sheegayaa inuu yahay nin kasoo jeeda Somaliya oo aan ahayn nin Somalilander ah sida markii hore la tilmaamay.

Dhanka kalena ciidamada laanta socdaalka Somaliland ayaa habeen hore hudheelka Imperial kala baxay laba nin oo u dhashay Wadanka Somaliya ,gaar ahaana nin reer Puntland ah iyo nin kale oo u dhashay Somaliya ,kuwaas oo iyagan wararku sheegayaan in laga helay cadaymo muujinaaya inay wadeen falal amni daro.

Waxa kale oo isna toddobaadkii ina dhaafay agagaarka hudheelka Oriental-ka laga qabtay nin muddo ay ciidamada Sirdoonka Somaliland ku daba jireen ,kaas oo ay ciidamada RRU-du la wareegeen,isaga oo isku deyey inuu baxsado.

Ciidamada Somaliland oo kaashanaaya shacabka Somaliland ayaa ahaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kuwo heegan buuxa ku jiray,taas oo keentay inay ku wada guulaystaan qab qabashada kooxahan lagu tuhunsanaa inay wadaan falalka amni darada ah.

Contact@Afkashacabka.com