"Hashu Maanka gaddaye Ma Masaar bay liqday".
innakoo wax badan Tix, Tiaab iyo Tusmoba isku taabsiin donna wax bandanna is barbar dhig ku samayn donna kolleyna maqaalkani noqon
doono taxane maalinba meel aynu diiradda ku saari doonno, cid katoo caqligeedu fayow yahayna ujeeddada iyo nuxurka taxaneheennani ku arrorayo ay cinwaankiisa ka fahmi karayso. Waxa xusuusinteeda mudan in aynaan u fahmin qoraalkan mid cid lagu maagayo ama laga leeyahay ujeeddo gaar ah haseyeeshee isku aragti laga noqdo xididka xididka qoraalkeennani ku aroorayo oo ah degmada Ceerigaabo marka loo eego degmooyinka kale ee dalka Somaliland waa mid ka dib dhacsan ama ka ahadhay horumar badan oo degmooyinka kale gaadheene xaggee wax ka qaldan yihiin. "Hashu Maanka gaddaye Ma Masaar bay liqday”.
Ceerigaabo way dib dhacdoo
Dalkiina way ka hadhay
Dariiqyadii wada awdmoo
Derbiyaa suuqa dhex yaalloo
Xashiishkays dugsanaayee
Daldaloolladan muuqday
Ma dawladdaa ka mas’uul ah
Ma deegaanka ka mas’uul ah
Ma dadweynahaa ka mas’uul ah
Mise iyadaa doobir xumaatoo
Doorashooyinkii ku qasaartayoo
Digteytar baw talinaayoo
Docnaba loo irkan mayo
Dadweynohow ka jawaaba.
Waxan idiin soo gudbin doonaa muuqaallada iyo meelaha aan u arkay inuu ka jiro dib u dhaca Ceerigaabo kaga hadhay degmooyinka kale ee dalka……
"Hashu Maanka gaddaye Ma Masaar bay liqday".
Ceerigaabo Way Dib dhacday Dalkiina Way ka Hadhee Malaha Way Doobir Xumaatoo Doorashooyinkiina Way ku Qasaartoo Digteytar baw talinaaya. (Maqaal Taxane ah Q. 1-aad).