Dhakhtara Ruush Ah oo ka hawlgala Cisbitaalada Hargeysa oo si khalad ah Haweeney uga saaray Makaanka Xilli aanu baadhitaan ku samayn Haweenaydaas

0
Sunday March 30, 2014 - 15:49:22 in by salman abdi
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtara Ruush Ah oo ka hawlgala Cisbitaalada Hargeysa oo si khalad ah Haweeney uga saaray Makaanka Xilli aanu baadhitaan ku samayn Haweenaydaas

    Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa shaaca ka qaadday in dhakhar ajnebi ah si khaldan makaanka uga saaray gabadh xaalad caafimaad u booqatay cusbitaal ku yaal caasimadda Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa shaaca ka qaadday in dhakhar ajnebi ah si khaldan makaanka uga saaray gabadh xaalad caafimaad u booqatay cusbitaal ku yaal caasimadda Hargeysa.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa shaaca ka qaadday in dhakhar ajnebi ah si khaldan makaanka uga saaray gabadh xaalad caafimaad u booqatay cusbitaal ku yaal caasimadda Hargeysa.

 

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo Jamhuuriya waraysi siisay Khamiistii toddobaadkan, waxay sheegtay in gabadh 30 sanno jir ah ay dhakhtar dalka Ruushka u dhashay ugu tagtay cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa, kaasoo isagoon wax baadhitaan ah ku samayn ku qanciyey inuu hayo kansarka ku dhaca makaanka, kadibna sidaas kaga saaray xubintaas muhiimka ah.

 

"Bishii hore ee February gabadh oo da’deedu 30 jir tahay ayaa u tagtay dhakhtar Ruush ah oo joogay cusbitaal ku yaal xaafadda New Hargeysa. Ninkii isagoon baadhitaan ku samayn ayuu gabadhii kuqanciyey inuu hayo Kansarka ku dhaca makaanka, kadibna saddex maalmood gudahood ayuu gabadhii qalliin ku sameeyey oo makaankiiba dibadda ka soo dhigay. Sidii kagamuu hadhine qolo kale oo kansarka baadha ayuu u gudbiyey, waxana markii dambe ee baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyey la caddeeyey in gabadhaas xannuunka TB-du haysay, iminka arrintaasi waa mid taagan,” ayey tidhi.

 

Waxa kaloo ay xaqiijisay in gabadha makaanka laga saaray uu hayey cudurka TB-da ee ku dhaca ilmo-galeenka haweenka, balse nasiib-darro haweenaydaas da’da yar si khalad ah looga saaray makaanka, arrintaasoo ka mid ah ficillada halista ee dhakhaatiirta aan aqoontooda caafimaad la hubin kula kacaan dadka bukaanka ah ee baadhitaannada ugu taga.

 

Xigasho Jamhuuriya.