Shacabka Dalka Brazil oo ku mudaharaaday Madaxweynahooda

0
Monday March 16, 2015 - 09:44:14 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Dalka Brazil oo ku mudaharaaday Madaxweynahooda

    In kabadan hal milyan qof oo reer Brazil ah ayaa ka qaybqaadanaya mudaaharaad lagaga soo horjeedo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kabadan hal milyan qof oo reer Brazil ah ayaa ka qaybqaadanaya mudaaharaad lagaga soo horjeedo

madaxwaynaha dalkaasi Dilma Rousseff, iyaga oo qaar badan oo dadkaasi kamid ah ay dalbanayaan in ay xilka banayso.

Arrintani waxa ay la xidhiidhaa fadeexad wayn oo wax isdabamarin ah oo ka jirta shirkadda shidaalka ee Petrobras, oo ay dawladdu leedahay.

Dibad baxyadu waxa ay ka dhacayaan dhamaan gobolada iyo caasimadda Brasiliya.

 

 

150316015823_brazil_protest_624x351_afp_nocredit

Dibad baxa ugu wayn waxa uu ka dhacay magaalada Sao Paulo, halkaas oo ah magaalo ay mucaaradku ku xoog badananyihiin, iyada oo ay mudaaharaadka ka qaybqateen boqolaal kun oo dad ah.

Dawllada Brazil oo arrintaas ka jawaabaysa waxa ay sheegtay in ay qaadayso talaabooyin ay ku xadidayso musuqa iyo isla xisaabtan la’aanta.

Wasiirka caddaalada Jose Eduardo Cardozo, waxa uu sheegay in dibad buxu uu xaqiijinayo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dabiiciga ah ee xukuumadda Brazil.