Seddex Dhalinyaro British ah oo lagu xidh xidhay Dalka Turkiga

0
Monday March 16, 2015 - 10:34:46 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seddex Dhalinyaro British ah oo lagu xidh xidhay Dalka Turkiga

    Saddex dhalinyaro u dhalatay Britain ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, kadib markii looga shakiyay inay damacsanaayeen inay u safraan dalka Suuriya, si ay ugu biiraan Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex dhalinyaro u dhalatay Britain ayaa lagu qabtay dalka Turkiga, kadib markii looga shakiyay inay damacsanaayeen inay u safraan dalka Suuriya, si ay ugu biiraan Daacish.

Labo ruux oo da’dooda aheyd 17 jiro ka yimid galbeedka London iyo wiil kale oo 19-jir ahaa ayaa dib loogu celiyay UK habeenimadii Sabtidii.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in xiriir iskaashi oo dhex maray Booliska Turkiga iyo Britain lagu qabtan saddexdan ruux oo la waayay jimcihii la soo dhaafay.

 

 

 

Saddexdan dhalinyaro oo aan wali magacooda la sheegin ayaa laamaha ammaanka ay ku daba jireen, waxaana ay ka soo dhoofeen magaalada Barcelona ee dalka Spain, iyagoo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Istanbul.

 

 

 

Tani ayaa noqoneysa markii u horeysay dhalinyaro British ah lagu qabto Istanbul, iyagoo doonayay inay ku biiraan Dowladda Islaamiga.

 

 

 

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii gabdho iskuuley reer London ahaa ay ku biireen Daacish, kadib markii ay ka tageen Britain, siina maray Turkiga, ilaa ay ka tallaabeen xuduuda Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan.

 

 

 

Turkiga ayaa ku andacooday in aan lagu soo wargelin gabdhahaas markii la waayay, iyadoo laamaha ammaanka Britain ay doonayeen in Booliska Turkiga iskaashi ka lahaan, si gabadhaas loo qabto inta aanay ku biirin Daacish.

 

 

 

Boqolaal muwaadiniin u dhalatay Britain ayaa ku biiray Daacish, waxaana isugu jiraan ragg iyo dumar.