"Xisbi Wadani Ahaan waxaanu u Aragnaa Doorashadan Mudadeedii dhaaftay xil gudasho la'aan ka timid Xukuumada" Xildhibaan Buubaa

0
Monday March 16, 2015 - 16:18:07 in by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbi Wadani Ahaan waxaanu u Aragnaa Doorashadan Mudadeedii dhaaftay xil gudasho la'aan ka timid Xukuumada" Xildhibaan Buubaa

    Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Ibraahin Mahadi Buubaa Ayaa sheegay in Xukuumada Looga Baahan yahay in Ay Talo qaran oo lagag arinsanayo Xaalada dalka Asxaabta mucaaradka la furto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Ibraahin Mahadi Buubaa Ayaa sheegay in Xukuumada Looga Baahan yahay in Ay Talo qaran oo lagag arinsanayo Xaalada dalka Asxaabta mucaaradka la furto.

waxa uu sheegay in loo Baahan yahay in doorashadu Noqoto Mid Mudaysan oo Wakhtigii loogu Talo Galay Aan Dhaafin,Maalinta ay gaadho 26juuna waxa uu cadeeyay hadii ay Xukuumadu Inta ka horaysa Talada qaran u hogaan Sami waydo inaan jirin Dawladi Iyo Cid Dalka Maamushaa.

Ibraahin Mahadi Buubaa waxa uu sheegay in xeerkii golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa uu yaalo yahayna kii iyaga lagu soo doortay 2005tii Waxaana uu yidhi.

"Xisbi Wadani Ahaan waxaanu u Aragnaa Doorashadan Mudadeedii dhaaftay xil gudasho la’aan ka timid Xukuumada Ayaanu u Aragnaa,Xukuumadana Arimaha Dastuuriga Ah ee laga doonayo in ay Qabato waxa kaw ka ah Doorashada,Sanad walba Ku jiri mayno mudo kordhin oo asbaabtii dastuurku sheegay dhaafsan oo qayru sharci Ah,Dalkani waxa uu doonayaa in doorashadu Noqoto wakhti mudaysan oo joogtaysan oon wax dabi u dhac ah yeelan habayaraatee.

Afhayeenka wadani waxa uu sheegay in Xukuumadan Shan Sano Looga fadhiyay in Ay soo Saarto agabkii doorashada oo Sahli Kara in Doorashada wakhtigeeda laqabto taas waxa uu ku macneeyay Mid Ay ku Fashilmatay Xukuumadani.

"Maantana way muuqataa inaanay 26juun doorasho dhacayn Maaha In Hadana mudo kordhin abaal looga Dhigo xukuumadan,waxaanu leenahay inta ka horaysa bisha afaraad dhamaadkeeda waa in talo qaran la iskugu yimaado oo shaqadeediin ahayd Doorasho ee xukuumadani ku fashilmatay ee doorasho dalkan kaga qaban kari wayday go’aankii laga gaadhi lahaa xisbiyada qaranku isku yimadaan lagana gaadho go’aan u cuntama shacabka somaliland.

Waxa uu Afhayeenku sheegay haday xukuumadu diido talada qaran inuu dalku fawdo gali garo Banaanshaha xilalka qarankana lakala xigi doonin,isaga oo ka digayna in fawdadaasi timaado.

"waxaanu xukuumada uga digaynaa in ay ku dhaqaaqdo talaabooyinay shacabka codkoodu ku cabudhinayso iyada oo adeegsanaysa Ciidanka kala gadisan ee qarankani leeyahay,hadaanu anagu nahay markasta mucaaradka waxaanu soo jeedinaynaa inaanu jecelnay wanaag iyo jiritaanka somaliland,sidaas darteed anag oo kula xisaabtamayna Xil gudasho la’aanta xukuumada,waxaan rabnaa in ay miiska soo fadhiisato isla markaasna go’aan qaran laga gaadho doorashadaas wakhtigeedii ku qabsoomi wayday waxa laga yeelayo.

Ibraahin Mahadi Buubaa waxa uu sheegay in xeerkii golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa uu yaalo yahayna kii iyaga lagu soo doortay 2005tii isla markaas dadka leh hasameyeen xeerkii lagu dooran lahaa war la’aani ka hayso xeerarka golaha ka soo baxa.

 

"Xeerkii Golaha wakiilada lagu soo dooran lahaa waa xeer yaala oo shaqeeya waana kii Nalagu soo doortay 2005tii lamana odhan karo xeer jiro maaha waa xeer qaran oo dhaqan gal Ah hadii dib u eegsi ladoonayo in lagu sameeyo xukuumadu way soo jeedin kartaa,lakiin xeer majiro arinkaas waxba kama jiraan xeerkii golaha wakiilad lagu soo dooran lahaa wuu yaal waana uu jiraa.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Cidi Musharax Madaxwayne u ah Xisbiga Wadani iyo Ku Xigeenkiisa isaga oo sheegay in labadaba Lagu soo Xuli Doona uun Shirwaynaha Xisbiga wadani.

"Cida u Noqon Doonta Xisbiga Wadani Musharaxa Madaxwayne iyo ku xigeen waxa lagu dooran Doonaa Shirka Golaha dhexe ee xisbiga,Labadooda waa lala Tartami karaa guddoomiye ciro iyo Axmed Muumin Seed Guddoomiye ku xigeen,Xisbiguna waa xisbi Dumuq Raadi Ah Oo Cid walba iska sharaxi karto.