"Dallada kulmisay Shirkadaha Korontada Burco, Waa Astaan Midnimo oo ku Dayasho Mudan, "Horumarka dal ku talaabsado waxaa Sal u ah in la helo Koronto jaban oo awood badan"

0
Sunday March 30, 2014 - 16:34:09 in by Super Admin
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dallada kulmisay Shirkadaha Korontada Burco, Waa Astaan Midnimo oo ku Dayasho Mudan, "Horumarka dal ku talaabsado waxaa Sal u ah in la helo Koronto jaban oo awood badan"

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa Dareen Farxad badan leh ka Bixiyey Midowgii Shirkadaha Korontada ee Burco, waxanu qoraal uu ku baahiyey Bloggiisa gaarka iyo boggiisa Facebook ku yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa Dareen Farxad badan leh ka Bixiyey Midowgii Shirkadaha Korontada ee Burco, waxanu qoraal uu ku baahiyey Bloggiisa gaarka iyo boggiisa Facebook ku yidhi sidan:
Dallada  kulmisay  Shirkadaha Korontada Burco, Waa Astaan Midnimo oo ku Dayasho Mudan. 
 
"Horumarka dal ku talaabsado waxaa Sal u ah in la helo Koronto jaban oo awood badan” 

Waxaa ii farxad iyo rajo badnaan ahayd in aan caawa ka qayb galay Munaasabad loo sameeyay  dallad ay ku bahoobeen shirkadaha korontada ee Burco  

Waxay ahayd madal sharfan oo sharaxan isla markaana  kulmisay shirkadaha uugu waawayn dab-qaybinta degmada Burco.

Shirkadaha ku bahoobay dalladan ayaa kala ahaa KAAH, SOMTEL, PLAZA, BEDER, isla markaana la baxay magaca  Horn Electricity  Company "HECO”

Waxaan ognahay kaalinta ay korontadu kaga jirto kor u kaca dhaqaale ee dal ku talaabsado, maadama warshad walba oo la hirgalinayo ay u baahan tahay tamar koronto oo xoog badan

Waxaa marag ma doon ah  qiimaha midowga iyo iskaashigu ku leeyahay kor u kaca dhaqaalaha iyo isdhex galka bulshooyinka

Samaynta dalladan kulmin doontaa shirkadaha korontadu waxaa hubaal ah in ay wax badan ka tari doonto helida koronto tayo  badan leh isla markaana qiimo jaban

Waxaan soo dhawaynayaa isku geynta cududa iyo caqliga ummada iyo sidoo kale abuurida shirkado la wada leeyahay.

 

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.