Wasiirka Arrimaha Debeddda Maraykanka oo Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka la yeeshay Dhiggiisa IRAN

0
Tuesday March 17, 2015 - 11:30:49 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Debeddda Maraykanka oo Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka la yeeshay Dhiggiisa IRAN

    Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka John Kerryiyo wasiirka arrimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarifayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka John Kerryiyo wasiirka arrimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarifayaa

 kulan qaatay muddo afar saacadood ah kuna saabsanaan arrimaha Niyukliyerka ku yeeshay magaalada Lausanne dalka Swiss.

_80262668_80262667

Kulanka kadib ayuu wasiirka arrimaha dibada Iran uu kulan kale kula yeelanayaa dalka Beljimka wasiiro reer Yurub. Wadahadalada ayaa xoogga lagu saarayaa in la gaaro heshiis hordhac ah dhamaadka bishan march iyadoo heshiis buuxana la gaari doono bisha July1deeda.

"Haddii uu yahay barnaamijka Niyukliyerka dalka Iran mid nabada ah, ha samaysato rajadeyduna waxa ay tahay in dhowrka maalmood ee soo socda ay taasi suurtogal noqon doonto,”ayuu Kerry u sheegay taleefishinka Maraykanka ee CBS.

Kulankan u dhexeeyay Kerry iyo Zarif ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xoghayaha quwada ee Ernest Moniz iyo Madaxa arrimaha niyukliyerka ee dalka Iran Ali Akbar Salehi, waxaya shalay ka wadahadleen arrimaha farsamada ee Niyukliyerka.

Ali Akbar Salihi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulankii foolka foolka ahaa ee wasiirada arrimaha dibada Maraykanka iyo Iran dhex maray. Lixda dal ee dunida ugu awooda badan ee US, Germany, France, Britain, Russia iyo China ayaa isku dayaya in ay heshiis la gaaraan dowlada Iran iyadoo arrimaha niyulkiyerka ee dalka Iran muddo toban sano ah uu soo jiitamayay waxana ay doonayaan in si tartiib tartiib ah looga dabciyo cunoqabataynta dalka Iran.

Kulanka magaalada Brussels marka uu dhamaado ayaa wafdiga dowlada Iran waxa ay dib ugu laaban doonaan Lausanne si ay wadahadalo dheeraad ah ula yeeshaan Maraykanka, waxaana dhamaadka toddobaadkan ku biiri doono wasiiro reer Yurub ah.

Wadamada reer Galbeedka,Israel iyo wadamada Khaliijka ayaa ku tuhmaya Iran inay hub niyukliyer ah samaysanayo,inkastoo Iran ay beeniso marwalba iyadoo ku macneysa qorshaha niyukliyerka inay tahay mid ay ku dooneyso in ay si nabad ah u isticmaasho.

Dowlada Maraykanka iyo Iran ayaan lahayn xiriir diblumaasi 35kii sano ee la soo dhaafay balse doorashada 2013kii madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sababtay in isbedel debecsanaan ah laga dareemay waxaana horumar kooban laga sameeyay arrimihii tobankii sano ee la soo dhaafay ee Niyukliyerka.

Amiir ka mid ah Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa sheegay in heshiis aysan wadamada quwada waaweyn aysan la gaari karin Iran iyadoo Sacudi Carabiya iyo wadamada kale ee Khaliijka laga qeybgalin.

Turki al-Faisal ayaa sheegay in wax walba oo ka soo baxa wadahadaladaas ay tahay in mid la mid ah ay la gaaraan dowlada Iran. Wadamada Iran iyo Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa khilaaf uu ka dhexeeyaa waxayna Boqortoyada Sacudiga dooneysaa in dalka Iran uusan sameysan wax Niyukliyer ah.