Guddomiyihii Baanka Dhexe ee Shaqada Laga Caydhiyey oo ka hadlay Xil kaqaadistiisa Madaxweynahana Talooyin u soo Jeediyey

0
Tuesday March 17, 2015 - 15:07:38 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyihii Baanka Dhexe ee Shaqada Laga Caydhiyey oo ka hadlay Xil kaqaadistiisa Madaxweynahana Talooyin u soo Jeediyey

    Guddoomiyihii xilka laga qaadey ee baanka dhexe ee Somaliland, Cabdi Dirir Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii xilka laga qaadey ee baanka dhexe ee Somaliland, Cabdi Dirir Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay

sida uu u arko xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaanu sheegay in xil ka qaadistiisa u arkayo wax caadiya, maadaama buu yidhi xilku meerto yahay.

Cabdi Dirir Cabdi, oo ugu horeyn ka jawaabaya sida uu arko xil ka qaadistiisa ayaa yidhi "Xilku waa wareegto oo maalinba nin baa qabta, markaa si caadiya ayaan u arkaa, waayo xilku waa wareegto, Madaxwaynuhuna wuu ku mahadsan yahay muddadaa uu shaqada I siiyey ee aan u shaqeeyay qaranka…”

Cabdi Dirir Cabdi oo muddo afar sanadood iyo dheeraad ah ahaa Guddoomiyaha baanka Somaliland oo la su’aalay sida uu ahaa xidhiidhka isaga iyo Madaxwaynaha muddadii uu xilka hayey ayaa ku jawaabay "Anigu wax caadiya ayaan u arkaa (Xil ka qaadisteyda) cid aan wax ka saarayaana ma jirto xil ka qaadisteyda, waayo muddadii aan xilka hayey wada shaqeynta aniga iyo Madaxweynuhu aad bay u wanaagsanayd….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal nuxukeedu ahaa in xilka looga qaadey amaan uu u jeediyay Wasiirkii Maaliyadda ee hore "Wixii sidaa aaminsani waa yeelkooda, laakiin anigu wixii jiray uun baan sheegay, waayo (Samaale) wada shaqeyn wanaagsan baa naga dhaxeysay…”

Cabdi Dirir oo shabakada wararka ee Hadhwanaagnews waydiisay inay jirto meel uu is leeyahay waa lagaa raacay oo xilkaaga ayaad ku wayday ayaa ku hal celiyey "Madaxwaynuhu isagaa dadka shaqada siiya, kana saara, laakiin waxaan ku talinayaa in Madaxwaynuhu marka uu qof shaqada ka eryayo inuu la kulmo oo uu ku yidhaahdo waxaas iyo waxaas baan kugu eryey, sidaas ayaan jecelahay, mana qabo in (Masuulku) dadka ka maqlo in la eryey…”