Hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiinka Wadanka Masar Oo Dil Lagu Xukumay

0
Tuesday March 17, 2015 - 15:24:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyihii Ikhwaanul Muslimiinka Wadanka Masar Oo Dil Lagu Xukumay

    Maxkamad ku taala dalkaasi Masar ayaa dil ku xukuntay hogaamiyaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka wadanka Masar,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala dalkaasi Masar ayaa dil ku xukuntay hogaamiyaha ururka Ikhwaanul Muslimiinka wadanka Masar, Maxamed Badiic,iyada oo lala xukumay 13 qof oo kale,kuwaas oo kamid ah ururkaasi Ikhwaanul Muslimiinka.

Waxa laga mamnuucay wadanka Masar kadib markii xukunka ay ciidamada wadankaasi ka tureen madaxweynihii ugu horeeyey ee si xor ah loo doorto wadankaasi oo kasoo jeeday ururkaasi,waxaana laga mamnuucay inay ka qayb qaataan sidoo kale siyaasada wadankaasi.

Waxaanay dawladu sheegtay inay ku heshay hogaamiye Badiic iyo taageereyaashiisa inay qorshaynayeen weeraro ka dhan ah dawlada wadankaasi Masar oo ah dawlad ciidamada u badan.

Xukunkan ayaa loo gudbiyey muftiga wadankaasi Masar ,waxaana la sugayaa go’aanka uu kasoo saaro.