Daawo: Gabilay oo Maayar Cusub Dooratay iyo Maayarkii Hore oo Xilkii Tiriyey

0
Tuesday March 17, 2015 - 15:27:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Gabilay oo Maayar Cusub Dooratay iyo Maayarkii Hore oo Xilkii Tiriyey

    Golaha Degaanka ee Degmada Gebiley oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ku doortay maayir cusub,waxa kale oo halkaasi isku casilay maayirkii hore ee degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Degaanka ee Degmada Gebiley oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa ku doortay maayir cusub,waxa kale oo halkaasi isku casilay maayirkii hore ee degmadaasi.

Golaha degaanka Mgaalada Gabilay, ayaa doortay maanta Maayar Cusub, kadib markii Maayarki hore uu kamid noqday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo, iyadoo dhawaan loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Wershadaha.

image

Xildhibanada Golaha Deegaanka Ee Degmada Gabilay Ayaa Waxaa Ay Fadhigoodan Saaka Yeesheen Ay U Doorteen Maayarka Magaalada Gabilay In Uu Noqdo Xildhibaan Aamiin Cumar Cabdi Oo Badli Doona Mayarki Hore .  Sida ayay shabakadda Wararka ee Somalilandtoday u xaqiijiyeen xubno aanu kala xidhiidhnay Magaaladda Gabilay, Maayarkan cusub ee Magaaladaasi yeelatay wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii ka soo baxay Xisbiga UCID doorashadii degaanka, waana nin dhalinyaro ah.

Golaha degaanka Magaalada Gabilay ayaa tiroba dhawr jeer waxay hore isugu dayeen inay xilka ka qaadaan Maayarkii hore, balse waxaa xil Wasiirnimo u magacaabay Madaxweynaha Somaliland, taas oo maanta keentay in Xildhibaanada Golaha degaanka Gabilay doortaan Maayarkan Cusub.