Madaxweynaha Uganda Oo Ceeb Kala Kulmay Safar Cirka Ah Uu Ku Tagayey Kenya Ka Dib Markii Ay Diiday Qaadistiisa Diyaarada Kenya Airweys

0
Tuesday March 17, 2015 - 16:59:39 in by Burco Office
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda Oo Ceeb Kala Kulmay Safar Cirka Ah Uu Ku Tagayey Kenya Ka Dib Markii Ay Diiday Qaadistiisa Diyaarada Kenya Airweys

    Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa baadhitaan ku sameynaya sababihii ka dambeeyay in diyaarada Kenya Airways ay diido inay soo qaado Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo ku soo jeeday magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa baadhitaan ku sameynaya sababihii ka dambeeyay in diyaarada Kenya Airways ay diido inay soo qaado Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo ku soo jeeday magaalada Nairobi.

Diyaarada Kenyan Airways ayaa diiday codsi uga yimid Madaxweynaha Uganda oo ahaa inay ka soo qaado gurigiisa oo ku yaala galbeedka Uganda. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka qeyb geli lahaa shir Madaxda Gobolka uu isugu yeeray Madaxweynaha Kenya 20-kii bishii hore, ayaa waxaa markii dambe soo qaaday Diyaarada Ethiopian Airways,


Arrintan ayaa durbaba dhalisay muran weyn, markii ay soo shaac baxday warka ah in diyaarada Kenyan Airways ay diiday inay Nairobi u soo qaado Madaxweynaha Uganda. Guddiyada Baarlamaanka ee arrimaha Dibada iyo Difaaca Kenya ayaa kulamo is-daba joog ah ka lahaa arrintan, iyagoo baaraya waxa keenay in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay diido codsiga Madaxweynaha.

 

 

Shirkadda Kenyan Airways ayaan wax war ah ka soo saarin iyo sababtii ay u diiday codsiga Madaxweynaha Uganda ee ahaa inay ka soo qaado galbeedka Uganda. Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in diyaaradii Madaxweynaha Uganda u soo qaadi laheyd Nairobi ay ku socotay dayactir. Arrintan ayaa loo arkaa mid dhaawac weyn ku noqon karta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Uganda.



Contact@afkashacabka.com