Wefti Wasiiro ah oo xukuumaddu u dirtay Golaha Degaanka Magaalada Shifield oo Cod u qaadaya Aqoonsi ay siiso Magaaladaasi Dalka Somaliland

0
Sunday March 30, 2014 - 17:16:49 in by Super Admin
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Wasiiro ah oo xukuumaddu u dirtay Golaha Degaanka Magaalada Shifield oo Cod u qaadaya Aqoonsi ay siiso Magaaladaasi Dalka Somaliland

    Wasiirada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka qayb qaadanaya dardar gelinta ictiraafka Somaliland oo ay Balanqaadeen Golaha degaanka Sheffield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka qayb qaadanaya dardar gelinta ictiraafka Somaliland oo ay Balanqaadeen Golaha degaanka Sheffield.

Xukumadda Somaliland ayaa wefti wasiiro ah u dirtay Magaalada Sheffield ee Cariga Ingiriiska,

halkaasi oo Golaha degaanka Sheffield Cod ugu qaadi doonaan horaanta Bisha April Aqoonsi ay Somaliland u fidiyaan.

Wasiirada Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka qayb qaadanaya dardar gelinta ictiraafka Somaliland oo ay Balanqaadeen Golaha degaanka Sheffield.

Wasiirka Macdanta ayaa maanta ka ambabaxay Hargeysa, halka wasiirka Arimaha dibaduna uu ka kicitimayo Wadanka Austrelia oo uu hawlo shaqo u joogay, wasiirka Ganacsiga ayaa isna Kenya ka tagaya, halkaasi oo shir Caalami ah kaga qayb galay.

Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield ayaa dhawaan shaacisay in Golaha degaanka ee Sheffield cod u qaadayaan Citiraafka Somaliland, iyagoo sheegay inay munaasibada lagaga dhawaaqayo ku marti qaadeen Xukumadda Somaliland, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Dadkale.

Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield oo ku badan degmadaasi ayaa door wayn ka qaatay dardar gelinta in Golaha degaanka ee Sheffield balanqaado Citiraaf Somaliland uu siiyo. Jaaliyadda ayaa la sheegay inay ku xujeeyeen Xisbiyada waddankaasi ku tartamaya inay codkooda siin doonaan cidii Danaha Somaliland u janjeedha.

Arintan ayaa noqonaysa markii u horaysay ee Bogcad ka mida Dunidu ay balanqaado Citiraafka Somaliland. Jaaliyadda ayaa sheegtay inay maalintaasi Goob joog ka noqon doonaan Cod u qaadista Somaliland Warbaahinta Caalamiga ah sida, Aljazeera, BBC-da iyo Wargeysyo Caalami ah.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com