Sirdoonka Maraykanka Oo la sheegay inu Dhegeysto Telefoonada Madaxda Somalia iyo Wargeys ka soo Baxa Dalkaas oo wax ka qorey

0
Sunday March 30, 2014 - 17:35:37 in by Super Admin
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Maraykanka Oo la sheegay inu Dhegeysto Telefoonada Madaxda Somalia iyo Wargeys ka soo Baxa Dalkaas oo wax ka qorey

    Sirdoonka Dowlada Mareykanka ayaa wali la kulmaya fadeexado hor leh oo la xariira in ay dhageystaan Telfoonada gaarka ah ay leeyihiin Madax ka tirsan Dowladaha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirdoonka Dowlada Mareykanka ayaa wali la kulmaya fadeexado hor leh oo la xariira in ay dhageystaan Telfoonada gaarka ah ay leeyihiin Madax ka tirsan Dowladaha Caalamka

waxaana hada soo shaac baxay madax cusub ooTelfoonadooda la dhegeystay.


Wargeys kasoo baxa Dalka Jarmalka ayaa baahiyay xog la xariirta in Hay’ada Sirdoonka Dalka Mareykanka ee loo yaqaan NSA ay dhageesatay telfoonada gaarka ah Madaxweynayaal uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Edward Snowden oo ah nin u dhashay Dalka Mareykanka kana tirsanaa Sirdoonka Mareykanka, ayaa faafiyay dukuiintiyo badan oo la xariira in Sirdoonka Mareykanka ay dhageestaan Telfoonada Hogaamiyaal badan oo Caalamka laga tix galiyo.

Xogtan uu baahiyay Wargeyska kasoo abaxa Dalka Jarmalka ayaa culees hor leh ku keeneysa Sirdoonka Mareykanka , waxaana Wadamo badan oo horey xariirkii ay la lahaayeen Mareykanka u xumaaday kadib markii la ogaaday in Mareykanka si qarsoodi ah u dhageesto Telfoonada Hogaamiyaasha Wadamadaasi.

Lama oga tilaabadan uu qaadan doono Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay hada soo shaac baxday in Telfoonkiisa gaarka ah dhageestaan Sirdoonka Dalka Mareykanka.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com