Madaxwayne Obama Oo Aan Illaa Hadda Wax Hambalyo Ah U Dirin Benjamin Netanyahu. Maxay Tahay Sababtu??

0
Thursday March 19, 2015 - 17:56:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Obama Oo Aan Illaa Hadda Wax Hambalyo Ah U Dirin Benjamin Netanyahu. Maxay Tahay Sababtu??

    Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, ayaa sheegay in madaxweyne Barack Obama uu maalmaha soo socda la hadli doono ra'iisul wasaaraha Israa'iil,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, ayaa sheegay in madaxweyne Barack Obama uu maalmaha soo socda la hadli doono ra'iisul wasaaraha Israa'iil,

Benjamin Netanyahu, si uu ugu hambalyeeyo dib u doorashadiisa.
Madaxweyne Obama iyo Mr Netanyahu ayaa xidhiidhkoodu xumaaday, kaddib markii uu ra’iisul wasaaraha dhawaan khudbad muran badan dhalisay ka jeediyay aqalka congress-ka Mareykanka, isaga oo aan martiqaad ka haysan aqalka cad.

150311173445_obama_and_netanyahu_640x360_ap_nocredit
Xisbiga jamhuuriga, gaar ahaan ninka la filayo in uu noqdo musharaxooda madaxweyne ee doorashada sanadka soo socota, Jeb Bush, ayaa durbadiiba Benjamin Netanyahu ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisa.
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa si cad u sheegay in uu ka walaacsan yahay hadalo uu Netanyahu sheegay markii uu ku jiray ololaha dib u doorashadiisa, kuwaas oo ku aaddaan Carabta Israa’iiliyiinta ah.
Maamulka Obama ayaa sheegay in uu dib u qiimeyn doono dadaalkiisa ku aaddan qaabka ugu wanaagsan ee lagu heli karo laba dal oo ay kala leeyihiin Israa’iil iyo Falastiin.


Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa sheegay in haddii dib loo doorto aanu jiri doonin dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta.