Xoolo U Bakhtiyay Biyo Sumaysan Oo Ay Cabeen Dedaanka Haleeya

0
Friday March 20, 2015 - 12:46:09 in
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoolo U Bakhtiyay Biyo Sumaysan Oo Ay Cabeen Dedaanka Haleeya

    Dhul daaqsimeed dhinaca Hawd kaga beegan Tuulada Haleeya ee Bariga Hargeysa ayaa laga soo sheegayaa in ay Xoolo nooli ku sumoobeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhul daaqsimeed dhinaca Hawd kaga beegan Tuulada Haleeya ee Bariga Hargeysa ayaa laga soo sheegayaa in ay Xoolo nooli ku sumoobeen.


Xoolahan oo sida ay ilo wareedyo ay heshay hadhwanaagnews ka cabayay biyo deegaankaasi ay ku sumoobeen ayaa waxa la sheegayaa in ay badhkood bakhtiyeen.

Dadka deegaankaasi ayaa u sheegay hadhwanaagnews in ay walaac xoog leh ka qabaan xaalada ay ku sugan yihiin isla markaana ay uga baqo qabaan in ay nafahooda in ay iyaguna wax ka soo gaadho biyahaasi sumaysan.

"Waxa aanu ka walaacsanahay sunta ay xooluhu ka cabeen deegaanka, waxaanan ugu baaqaynaa xukuumadda iyo cida ku shaqada leh bal in  ay na soo eegaan uun” ayuu yidhi oday Faarax oo ka mid ah dadka deegaankaasi.

 

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odowaa oo u waramayay Telefishanka Bulsho ayaa yidhi "Salaasadii ayaa waxa naloo soo sheegay inay xoolo sumoobeen deegaanka dhinaca hawd ka xiga Halleeya, waxaana ka hawl galay isku duwaha gobolka maroodi-jeex oo dawooyinkii sii qaaday, waxaanuu u tegay xoolaha oo intooda badani ay dhinteen, markaa intii dawada lala gaadhay way ladnaadeen, suntaasina waxa la tuhun san yahay in ay suntaasi uga timid ceelkii biyaha looga soo dhaamiyey ama ay booyadda shubtay sunta lahayd, labadaas meelood ayaa loo malaynayaa in ay tahay, Booliska ayaana gacanta ku haya oo marka ay war ka soo saaraan ayeynu eegaynaa, waxaana dhintay ilaa boqol iyo dhawr iyo todnan neef illaa todobaatanna way badbaadeen, ninkii booyadda biyaha soo dhaamisay wadayna waa la qabtay oo waa la hayaa" ayuu yidhi agaasimaha guud ee xannaanada xoolaha somaliland

 

 

 

 

"Salaasadii ayaa waxa naloo soo sheegay inay xoolo sumoobeen deegaanka dhinaca hawd ka xiga Halleeya, waxaana ka hawl galay isku duwaha gobolka maroodi-jeex oo dawooyinkii sii qaaday, waxaanuu u tegay xoolaha oo intooda badani ay dhinteen, markaa intii dawada lala gaadhay way ladnaadeen, suntaasina waxa la tuhun san yahay in ay suntaasi uga timid ceelkii biyaha looga soo dhaamiyey ama ay booyadda shubtay sunta lahayd, labadaas meelood ayaa loo malaynayaa in ay tahay, Booliska ayaana gacanta ku haya oo marka ay war ka soo saaraan ayeynu eegaynaa, waxaana dhintay ilaa boqol iyo dhawr iyo todnan neef illaa todobaatanna way badbaadeen, ninkii booyadda biyaha soo dhaamisay wadayna waa la qabtay oo waa la hayaa" ayuu yidhi agaasimaha guud ee xannaanada xoolaha somaliland




 Contact@afkashacabka.com