Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Qoyskii iyo Shacabkii uu ka baxay Marxum Shalay Hargeysa ku Geeriyooday

0
Saturday March 21, 2015 - 07:51:20 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Qoyskii iyo Shacabkii uu ka baxay Marxum Shalay Hargeysa ku Geeriyooday

    Madaxweynaha Somaliland waxa uu tacsi u diray Eheladii,Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tacsi u diray Eheladii,Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeryooday Magaalada Hargeysa.

20/03/2015

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 20/03/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kaleba ka mid ahaa ganasatada dalka ugu taariikhda weyn oo uu ilaa hada ka mid ahaa marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir ka baxay dalka taariikh ma guurta ahna ku lahaa halgamadii kala duwanaa iyo marxaladihii uu dalku soo maray oo uu door muhiima ku lahaa wakhtiyadaa.

 

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


 

 


 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.