Shirkii u socday african socialist International ee ka socday dalka tanzania aya la soo gaba gabeeyey iyo nuxurka qodobadii lagaga hadlay Shirka

0
Sunday March 30, 2014 - 19:15:51 in by Super Admin
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii u socday african socialist International ee ka socday dalka tanzania aya la soo gaba gabeeyey iyo nuxurka qodobadii lagaga hadlay Shirka

    Shirkaasoo uu ka qayb galay xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid oo waftigiisa ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaasoo uu ka qayb galay xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid oo waftigiisa ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga Ucid Shirkii u socday african socialist International ee ka socday dalka tanzania aya la soo gaba gabeeyey

Waxa maantoo ay bishu tay 29 bisha lagu soo gaba gabeeyey shirkii caalamiga ahaa ee African Socialist International.


Shirkaasoo uu ka qayb galay xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid oo waftigiisa ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Ali Waraabeye oo hogaaminayay iyo wakiilka European Unionka iyo Socialistka mudane Saeid Cumar Ahmed (Saed Ucid)


Intii uu shirku socday waxa lagu faaleeyey qodobo aad u badan oo wadamada Socialist Internatanional quseeya wadamada aad iyo aad loo falanqeeyey waxa ka mida aha xiisada ka taagan Cenral Africa Repuplic dagaalada ka socda South Sudan iyo xukuumada cusub ee Mali,dhulka lagu muransanyahay ee saxaraha galbeed, dagaalada diiniga ah e ka soconaya Nigeria waxaa loogu baaqay xukuumadahaas oo dhan inay sida ugu dhaqsaha badan dagaalada lagu joojiyo caqligana la isticmaalo madaxduna ay isticmaasho xeel dheeri siyaasadeed ay ku xalilaan muranada taagan,


waxa kale oo shirku ku baaqay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalan ka faqriga iyo shaqo la aanta aafaysay qaarada madow (Africa) waxa kaloo goluhu ku baaqay in la xoojiyo dimuqraadiyada curdinka ah ee Africa ka bilaabantay iyo sidii loo xoojin lahaa dimuqraadiyadaas curdinka ah.


Waxa kaloo goluhu ku baaqay inay dawladuhu nabada ilaashadaan islamarkaa wax alaale wixii gacan kahadal keenaya lagu badalo wada hadal,


Waxa soo afmeerey shirkii xog hayaha guud ee soclist internanional luis ayale aad iyo aadna ugu mahad naqay dawladihii ka soo qayb galay iyo dawladii martiqaadka bixisay ee xisbul xaakimka ccm ee dalka Tanzania.


Waxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka ucid lagu casuumay shirkii woman socialist international oo ka dhici doona bisha tobnaad ee sanadkan caasimada dalka angola ee Luanda..


Mohamed Mohamud Elmi (bahnan)

bahnaan10@hotmail.com

+255714583333

Daresalam/Tanzania.