Cutubyo Katirsan Ciidamada Ethiopia Oo Soo Degay Gudaha Buuhoodle Iyo Xiisad Ka Taagan

0
Saturday March 21, 2015 - 11:34:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cutubyo Katirsan Ciidamada Ethiopia Oo Soo Degay Gudaha Buuhoodle Iyo Xiisad Ka Taagan

    Cutubyo katirsan Ciidamada Waddanka Ethiopia, ayaa soo degay Gudaha Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle, sida ay dadka deegaanku noo xaqiijiyeen, iyadoo shacabkuna arrintaas dareen iskumid ah ka bixiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cutubyo katirsan Ciidamada Waddanka Ethiopia, ayaa soo degay Gudaha Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle, sida ay dadka deegaanku noo xaqiijiyeen, iyadoo shacabkuna arrintaas dareen iskumid ah ka bixiyey.
Ciidamadan ayaa halkaas gaadhay, kadib markii ay tiro yar oo iyaga kamid ahayd ku guuldarraysteen inay soo qabtaan Nin wadaad ahaa oo looga shakiyey inuu Shabaabka xidhiidh la lahaa, taas oo keentay inay shacabku si xoog ah ninkaas kaga saaraan gacanta ciidanka.

Goob-joogayaal, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidankaasi markii ay magaalada soo galeen si weyn usoo raadiyeen ninnkii ay markii hore doonayeen inay qabtaan, markii ay waayeenna ay degeen Gudaha magaalada, gaar ahaan dhinaca Xuduudooda ku taalla, iyagoo saldhigyo halkaas ka samaystay.

Ciidamadan ayaa ilaa iyo haatan in cidna la hadlin, isla-markaana baqdin iyo cabsi badan ku abuuray shacabka halkaas deggen oo sidoodaba cabsi saa’id ah ka qaba ciidamada Ethiopian-ka ah.

Ciidamadan, ayaa kasoo tallaabay xuduudda marta Badhtanka Magaalada, isla-markaana soo galay dhinaca Somaliland, waxana aan arrintaas wali ka Hadlin Somaliland oo aan gacanta ku haynin Magaalada Buuhoodle.