Magalada Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Buug Qiimo Badan Xambarsanaa Oo Ka Hadlayay Maandooriya Jaadka iyo Dhibaatooyinka Ku Gadaaman+ Sawiro

0
Saturday March 21, 2015 - 23:36:17 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magalada Hargeysa Oo Lagu Soo Bandhigay Buug Qiimo Badan Xambarsanaa Oo Ka Hadlayay Maandooriya Jaadka iyo Dhibaatooyinka Ku Gadaaman+ Sawiro

    Xaflad Ballaadhan Oo Lagu Daah-Furay Buugg Cusub Oo Si Qoto Dheer Uga Warramaya Maandooriyaha Qaadka , Oo Magaciisa La Yidhaahdo ( Caleenta Geerida) Oo Uu Qoray Maxamuud Maxamed Axmed (Abucubayda) Ayaa Habeennimadii Sabtidu Soo Gelaysey 20/3/2015 Lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Ballaadhan Oo Lagu Daah-Furay Buugg Cusub Oo Si Qoto Dheer Uga Warramaya Maandooriyaha Qaadka , Oo Magaciisa La Yidhaahdo ( Caleenta Geerida) Oo Uu Qoray Maxamuud Maxamed Axmed (Abucubayda) Ayaa Habeennimadii Sabtidu Soo Gelaysey 20/3/2015 Lagu Qabtay Hoolka Jaamacada Gollis Ee Magaalada Hargeysa.

Xaflada Buuggan Oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen Kulanka Dacwada Ee Ardayda Jaamacaduhu Ayaa Ahayd Mid Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay .
Xafladan Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Dad Aad Ubadan Oo Iskugu Jira Masuuliyeen , Culimo , Salaadiin , Dhakhaatiir , Qoraayo , Abwaano & Marti Sharaf Badan Ayaa Ahayd Mid Aad U Xiiso Badan Intii Ay Socotay.

 


Waxaana Ugu Horayn Halkaasi Hadalo Kooban Ka Jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka Kulanka Dacwada Ee Ardayda Jaamacadaha Cabdikariin Cali Cismaan Booltuur Isagoo Ka Warbixiyey Ujeedada Loo Aas Aasay Kulankan ,Sidoo Kalana U Mahadnaqay Cidkasta Oo Ka Qaybqaadatay Xafladan ,Uguna Hambalyeeyey Qoraaga Inuu Dadaalkiisa Halkaa Ka Sii Wado .



Qoraha Buugga Maxamuud Maxamed Axmed (Abucubayda) Ayaa Umahadnaqay Cidkasta Oo Ka Caawisay Kuna Dhiiri Galisay Qorida Buuggan Iyo Daabacaadiisa ,Sidoo Kalana Ka Waramay Sababaha Ku Kaliftay Inuu Buuggan Qoro . Ugu Danbayntiina Ku Soo Gabagabeeyey Hadalo Iskugu Jira Afeef Iyo Kaftan.




Waxaana Sidoo Kale Kalmado Dhaxal Gal Ah Ka Jeediyey Xafladan Suldaan Maxamed Muuse Nuur Suldaan Abu Sufyaan Oo Ka Hadlay Muhiimada Ay Leedahay In Wax Laga Qoro Xanuunada Bulshada Haysta , Waxaanu Suldaanku Si Qoto Dheer Uga Hadlay Dhibaatada Uu Maandooriyaha Qaadku Ku Hayo Umadeena Haday Noqoto Dhinac Kasta Oo Laga Eego .




Waxaa Isna Kalmado Qiimo Badan Ka Jeediyey Xafladan Sheikh Maxamed Haybe Waxaanu Qoraaga Ku Dhiiri Geliyey Inuu Dadaalkiisa Halkaa Ka Sii Wado , Waxaanu Sheekhu Ka Hadlay Dhibaatooyinka Uu Qaadku Ku Hayo Umada Soomaalida Hadii Ay Noqoto Xaga Diinta , Nafta ,Caqliga, Hantida , Sharafta , Caafimaadka , Dhaqaalaha, Qoyska .
Waxaanu Sheegay Inuu Qaadku Xaaraan Yahay Maadaama Oo Dhibtiisu Dheeftiisa Ka Badan Tahay.


Waxa Isna Ka Hadlay Xafladan Sh Maxamuud Cabdi Baaruud ( Macalin Baaruud ) Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Buugga Akhriyey , Sheegayna Inuu Buuggan Yahay Buugg Dhaxal Gal Ah Oo U Baahan In Laga Faa ‘Idaysto ,Lagagana Daydo Qoraaga Dadaalkaas Uu Muujiyey.


Ugu Danbeyntii Waxa Ka Hadley Dr Aadan Ahmed Daahir Oo Ah Agaasimaha Cisbitaalka Dhimirka Ee Haayada Manhal Kaas Oo Sheegay In Buuggan Inuu Tilmaamayo Dhibaato Inagu Habsatay Qaran Ahaan , Qoys Ahaan Iyo Qof Ahaan Intaba . Sheegayna In Ay Mudan Tahay In Laga Faa’idaysto.




Contact@afkashacabka.com