Fananiinta Koxda Geeska oo u Booqalay Casimada Muqdisho ee Somaliya

0
Sunday March 30, 2014 - 22:39:18 in by salman abdi
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fananiinta Koxda Geeska oo u Booqalay Casimada Muqdisho ee Somaliya

    Guddoomiyihii kooxda Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo Fanaaniin uu hor- kacaayo oo ay kamid ahayeen Cabdi Hani iyo Yurub Geenyo ayaa ka degay Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii kooxda Xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax iyo Fanaaniin uu hor- kacaayo oo ay kamid ahayeen Cabdi Hani iyo Yurub Geenyo ayaa ka degay Magaaladda Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.


Siday warar xogo-gaal ah ku heshayShabakadda wararka ee Afkashacabka.comGuddoomiyaha kooxdas iyo Fanaaniinta la socdaa waxay ka anbabaxeen Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Somaliland, waxayna hadda ku suganyihiin Magaaladda Muqdisho, uma dhama safarkan kooxda Xidigaha Geesku waxaana ka hadhay badi Fanaaniinta ugu caansan kooxdaas. Geesta kale wararku way intaas ku darayaan in muddooyinkii u danbeeyay uu kooxda u dhaxeeyay muran ku saabsan tagista Magaaladda Mudisho oo ay ku kala qayb sameen.

Muddo shan todobaad ka hor ah ayay ahayd markii uu casuumad rasmiya kooxdaas u soo diray Wasiirka arrimaha debadda dalkaasi Soomaaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka Somaliland iyaduu qorshaha wasiirka dawladda Xasan Shiikh Maxamuud ahaa inay Muqdisho keenaan Fanaaniintaas, dalabka wagaas ayay ku gacan saydheen kooxda Xidigaha geesku iyagoo isu dhan, taas oo keentay inay marti qaad mahad-naq ah ku qaabisho Xukuumadda Somaliland, waxaana diidmadooda waaniyadeed ku hanbalyeeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isagu martiqaadka mahad-naqa ah u matalaayay Xukuumadda. Lama oga ilaa hadda u jeedada safarkan cusub ee ay Guddoomiyihii iyo kooxdan la socotaa kaga hilaaceen Magaaladda Muqdisho.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com