Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Kenya Oo Dhaawac Halis Ah Loogu Gaystay Gudaha Nairobi

0
Sunday March 22, 2015 - 10:36:51 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Kenya Oo Dhaawac Halis Ah Loogu Gaystay Gudaha Nairobi

    Xildhibaanka laga soo doorto Nyatike, Edick Anyanga ayaa waxay kooxo hubeysan xalay ku dhaawaceen gurisiisa oo ku yaalla xarunta Kenya ee Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka laga soo doorto Nyatike, Edick Anyanga ayaa waxay kooxo hubeysan xalay ku dhaawaceen gurisiisa oo ku yaalla xarunta Kenya ee Nairobi.

Mudanahan ayaa waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee Nairobi ku weeraray afar nin oo hubeysan, kuwaasoo wajiyadu ay u qarsanaayeen, iyagoo xildhibaanka dhaawac halis ah u geystay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xildhibaanka marka la tooganayay uu ku jiray gaadhigiisa, kooxaha hubeysanna ay gudaha gaadhiga ku toogteen, iyadoo xilligaas uu gaadhiga kula jiray darawalkiisii.

Xildhibaan_lagu_dhaawacay_Nairobi

 

Xildhibaanka ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaadheen madaxa, garabka iyo mid ka mid ah gaacmihiisa, waxaana dhaawiciisa lagu daweynayaa Aga Khan Hospital oo ku yaalla magaalada Nairobi.

"Aniga ayaa la hadlay xildhibaanka… xaaladdiisu way wanaagsanayd, balse dhakhaatiirta ayaa ii sheegay inay baadhitaanno ku sameynayaa dhaawaca soo gaadhay,” ayuu yiri mudane Nicholas Gumbo oo ka mid ah xubnaha baarlmaaanka Kenya.

Wuxuuna xildhibaankan intaas ku daray. "Ma doonayo inaan wax ka sheego arrintan illaa ay ciidanka booliisku warbixin kasoo saaraan baaritaannada ay haatan ku hayaan dhaawaca xildhibaanka.”

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa mudanaha kasoo saaray isbitaalka Karen oo markii hore la dhigay, iyagoo u soo wareejiyay Aga Khan Hospital. Iyadoo la sheegay in xalaaddiisu ay u muuqato mid wanaagsan.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka xildhibaanka lagu dhaawacay; waxaase tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee Kenya ka dhacayay tan iyo markii ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay waxyeello ugu geystaan gudaha Kenya mudane ka tisran baarlamaanka dalkaas, iyadoo la xusuusto in bil ka hor lagu dilay Nairobi, xildhibaan lagu magacaabi jiray George Muchai.