Hordhac: Hull v Chelsea – Blues Oo Dooneysa Inay Soo Ceshato Hogaankeeda Lixda Dhibcood Ee Premier League

0
Sunday March 22, 2015 - 10:40:40 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Hull v Chelsea – Blues Oo Dooneysa Inay Soo Ceshato Hogaankeeda Lixda Dhibcood Ee Premier League

    Chelsea waqtiyadii ugu danbeysay waxaa ka maqneyd argagixii ay ku abuuri jireen kooxaha ka soo horjeeda, laakiin hogaan seddex dhibcood ah iyadoo labo kulan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea waqtiyadii ugu danbeysay waxaa ka maqneyd argagixii ay ku abuuri jireen kooxaha ka soo horjeeda, laakiin hogaan seddex dhibcood ah iyadoo labo kulan

ay u harsan tahay waa wax ugu filan in loo caleemo saaro koobka Premier League mar kale. Gaar ahaan iyadoo Manchester City aysanu muuqan mid awooda inay cadaadis weyn saarto kooxda hogaanka heysa.

Haa, Chelsea waxaa ay barbaro gashay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan, laakiin horyaalka rikoorkooda kulamada ay martida yihiin waa mid adag. Waxa ay badiyeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay martida ahaayeen, waxaana laga dhaliyay kaliya hal gool tan iyo markii ay guuldarro 5-3 kala kulmeen kooxda Tottenham maalintii sannadka cusub.Sida la iska sii qiyaasi karo rikoorka Chelsea ay ka heysato Hull waa mid aad u fiican, iyagoo badiyay shan islamarkaana barbaro la galay labo kulan kale todobadii kulan ee ay Premier League la ciyaareen. Labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore waxaa min 2-0 ku soo badisay Chelsea, si la mid ah kulankii Stamford Bridge ee bishii December.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Hull Nikica Jelavic ayaa ka maqnaanaya kooxda ugu yaraan muddo lix isbuuc ah ka dib markii qaliin looga sameeyay jilibka, halka xiddiga khadka dhexe Tom Huddlestone uu ganaax ku seegayo kulanka maanta. Robbie Brady, Mo Diame iyo James Chester ayaa dhamaantood ku soo laabtay tababarka isbuucaan, inkastoo kaliya Brady uu fursad u heysto inuu ciyaaro maanta.

John Obi Mikel ayaa kaliya ka maqan Chelsea isbuucaan iyadoo xiddiga khadka dhexe uu ka soo kabsanayo dhaawac jilibka ah. Willian ayaa diyaar ah ka dib markii jug yar ay ka soo gaartay kulankii Southampton.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Hull City (3-5-2):McGregor; Dawson, Bruce, McShane; Elmohamady, Meyler, Livermore, Ramirez; Hernandez, N’Doye.

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Azpilicueta, Terry, Cahill, Ivanovic; Matic, Fabregas; Hazard, Oscar, Willian, Diego Costa.

MA OGTAHAY?

  • Hull waligeed kuma garaacin Chelsea kulan Premier League ah intii magacaas loo bixiyay horyaalka Ingariiska, iyadoo shan jeer laga badiyay halka labo jeer kale ay barbaro galeen.
  • Chelsea ayaa laga dhaliyay kaliya labo gool todobadii kulan ee Premier League ee ay la ciyaareen Hull City.
  • Guushii ugu danbeysay ee ay Hull City ka gaarto Blues waxa ay aheyd 26 sanno ka hor, markaasoo ay 3-0 ku garaaceen horyaalkii heerka labaad ee Division Two ee bishii October 1988.