"waa markii u horaysay ee madaxweyne somaliland ahi uu u ololeeyo arimaha Haweenka reer Somaliland," Wasiirkuxigenka Arrimaha Bulshada Shugri Xariir

0
Monday March 31, 2014 - 11:28:51 in by Super Admin
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waa markii u horaysay ee madaxweyne somaliland ahi uu u ololeeyo arimaha Haweenka reer Somaliland," Wasiirkuxigenka Arrimaha Bulshada Shugri Xariir

    Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa maanta ka qayb gashay kulan aqoon is waydaarsi ah oo lagu gorfaynayay sidii loo samayn lahaa habka ugu fudud ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa maanta ka qayb gashay kulan aqoon is waydaarsi ah oo lagu gorfaynayay sidii loo samayn lahaa habka ugu fudud ee  ay Haweenka somaliland u wada xidhiidhi lahaayeen iyaga oo adeegsanaayay qalabka casriga ah ee maanta dunidu ku wada xidhiidho.

kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka wadaniga ah ee WARDA, ayaa mud laba cisho ah ka socday Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxana ka soo qayb galay 30 haween ah oo kala socday ganacsatada, ardayda jaamacadaha iyo Axsaabta siyaasada.

Agaasimaha Fulinta ee WORDA ORG Marwo Kinsi Xuseen Qawdhan oo kulankan ka hadashay waxa ay tidhi "dadkeena maanta halkan isugu yimi waxa aynu ka kala nimo dhamaan ba qaybaha kala duwan ee Haweenka somaliland dhamaanteena waxa aynu nahay dad u baahan in ay isku xidhmaan, iyada oo maanta aduunku uu maraayo meel casri ah oo qof kastaa isaga oo halkiisa jooga uu ka war hayn karo caalamka markaa waxaanu rabnaa in aynu helno habka ugu fudud ee ay Dumarku u wada xidhiidhi karaan.”

Gabo gabadii waxa kulanka soo xidhay isla markaa la dardaarantay Haweenka wasiirku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil waxana ay tidhi "farxad wayn bay ii tahay inaan kulankan kala soo qayb galo qaybihii kala gadisnaa ee Haweenka somaliland, hadii aynu nahay haweenka somaliland waxa laynooga baahan yahay inayu gacmaha is qabsano oo aynu ka shaqayno arimaha hormarka dalka iyo nabad galyada”

Marwo Shukri Xariir waxa sidoo kale ay ka hadashay dhinaca siyaasada "waynu ognahay doorashooyinkii hore ee aynu soo marno oo waxa aynu waynay gabadh kaliya oo cod ku soo baxda, maantase meel fiican ayaynu joognaa oo waxa inoo soo baxay 10 Hablood oo ka soo baxay dagmooyinka halka magaalooyinkii waawaynaa aanay Gabadh qudhi ka soo bixin taasina waxa ay muujinaysaa sida Bulshooyinka ku dhaqan dagmooyinku ay uga fiican yihiin kana quudhi badan yihiin hankooduna ka sareeyo dadka ku dhaqan magaalooyinka”

"waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad gacan siisaan oo dhiiri galisaan hablaha hanka siyaasadeed leh hablaha wax baranaaya hablaha u diyaarka ah horumarka dalka, xukuumada maanta jirtaa waa xukuumadii u horaysay ee Dumarka taageerta waana markii u horaysay ee aynu yeelano 4 wasiir, waana markii u horaysay ee madaxweyne somaliland ahi uu u ololeeyo arimaha Haweenka reer Somaliland,”ayay tidhi Wasiir Ku xigeenku.








Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com