Guddomiyihii Guddiga Wanaagfarista iyo xumaan reebista oo Sheegay in Magta Ragga iyo Hawenku siman yihiin, iyo Guddiga oo ka jawabtay Arrinkaas Sheekhana Xilkii ka qaaday

0
Monday March 31, 2014 - 11:35:24 in by Super Admin
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyihii Guddiga Wanaagfarista iyo xumaan reebista oo Sheegay in Magta Ragga iyo Hawenku siman yihiin, iyo Guddiga oo ka jawabtay Arrinkaas Sheekhana Xilkii ka qaaday

    Guddoomiyihii Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, ayaa xilkii laga xayuubiyay ka dib markii uu simay magta labka iyo dheddiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, ayaa xilkii laga xayuubiyay ka dib markii uu simay magta labka iyo dheddiga,  Waraysi uu siiyay Wargeyska Haatuf ayuu ku sheegay sheekhu in aanay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku soo aroorin meel ay ku kala sarraynayaan magta laga qaato raga iyo dumarku.

Waraysigaas oo uu shalay siiyay Wargeyskaas ayaa waxa uu ku yidhi "Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha Nabiga ee sugani Magta Raga iyo Haweenka may kala qaadin, Sheekh Maxamed Al-qasaali wuxuu yidhi, Aayada Magta ka hadashaa ma kala soocayso Magta Raga iyo Haweenka. 
Cida tidhi dhiiga Haweenka ayaa ka jaban ka Raga waa sheegasho been ah” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray.

Hadaba fadhi ay yeesheen guddida Wanaag Farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa waxa ay ku sheegeen in aanay la qabin hadalka ka soo yeedhay guddoomiyahoodii.

Waxa ay xuseen in xeer u yaalay gudida Wanaag Farista iyo xumaan reebista Somaliland uu guddoomiyuhu baal maray isla markaana laga bilaabo maanta aanu ahayn guddoomiyaha.

"Waxa aanu halkan ka cadaynaynaa in aanaan ku raacsanayn hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyahayagii, hadii uu la toosnaaday arrinkaasina anaga tuur ayuu runtii nala yeeshay.

Waxa aanu bulshada u cadaynaynaa in maanta laga bilaabo aanu guddoomiye noo ahayn, balse guddoomiye ku xigeenkiisii ayaa si ku meel gaadh ah u sii hayn doona xilka inta laga dooranayo guddoomiye cusub.

Dadkana reer Somaliland way la yaabeen hadalkaasi oo miyi iyo magaaloba dhagta ayaa taagan, waxaanan leenahay gudidu lama qabto isaguna banaanka ayuu naga joogaa, halkaas wixiisa ha ka sii wato ama ha ka joojiyo” ayay yidhaahdeen.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com