
Ra'iisul wasaaraha Somlia oo Magacaabay Gudiga dar-dar-galinta shuruucda Hiigsiga 2016-ka
Golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay wasiir-u-dowlaha Amniga Gudaha Daa’uud C/kariin Cumar oo sheegay in amniga Muqdisho iyo gobollada dalka uu yahay mid soo hagaagayay toddobadyadii ugu dambeeyay, kadib markii la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Qaranka.
Sidoo kale, wasiir u dowluhu wuxuu sheegay in gacanta lagu soo dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab; kaasoo kooxda u qaabilsanaa howl-gallada ay Muqdisho ka fuliyaan.
Waxay kaloo golaha wasiirradu warbixin ka dhageystay wasiirka waxbarashada; Khadro Bashiir Cali waxayna sheegtay inay wasaaraddu ku howlan tahay dadaallo ku aaddan sidii dalka oo dhan looga qaadi lahaa imtixaan mideysan, kaasoo ay iska kaashanayaan wasaaradda waxbarashada iyo dalladaha ka jira dalka si looga gudbo wax walba caqabad ku noqon kara waxbarashada dalka.
Shirka golaha wasiirrada xukuumadda ayaa waxaa kaloo looga hadlay dib-u-habeyn lagu sameeyo xerooyinka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin gobollada waddanka, iyadoo loo xil-saaray arrintaas guddi uu madax u yahay wasiir ku xigeenka gaashaandhigga, Cabdalla Xasan Cali inay soo qiimeeyaan baahida ka jirta xerooyinka ay ciidamadu leeyihiin ee ku yaalla qaar ka mid ah gobollada dalka.
Ugu danbeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia, Sharmaarke ayaa magacaabay guddiga dar-dar-gelinta sharciyada ahmiyadda u leh Hiigsiga 2016-ka, sharciyadaas oo isugu jira kuwa hadda la abuurayo iyo kuwii horay loo ansixiyay, waxana guddiga arrintaas loo xil-saaray madax u ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Maxamed Cumar Carte.
Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin; Wasaaradaha Cadaaladda, Arimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Qorshaynta, Dastuurka, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiir-u-dowlaha xariirka baarlamaanka ee XRW iyo Wasiir-u-dowlaha Arrimaha dibadda.
Contact@afkashacabka.com
Ra'iisul wasaaraha Somlia oo Magacaabay Gudiga dar-dar-galinta shuruucda Hiigsiga 2016-ka
Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta shir-guddoomiyey kulankii golaha wasiirrada ayaa magacaabay guddiga dib u eegista shuruucda saldhigga u ah Hiigsiga 2016-ka.