Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Guddiyo Loo Xilsaray Shaqaqooyin Ka Dhacay Gobolka Sool

0
Monday March 31, 2014 - 17:14:00 in by Super Admin
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Guddiyo Loo Xilsaray Shaqaqooyin Ka Dhacay Gobolka Sool

    gudiga loo xilsaaray arrinta gobolka Sool ayaa Ka Warbixiyey hawshii ay gobolkaas u tageen iyagoo sheegay in hawshaasi si nabad gelyo ah ugu soo dhammaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gudiga loo xilsaaray arrinta gobolka Sool ayaa Ka Warbixiyey hawshii ay gobolkaas u tageen iyagoo sheegay in hawshaasi si nabad gelyo ah ugu soo dhammaatay

Guddomiyaha Golaha Gurtida Jamuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan ayaa Maanta Warbixin Ka dhagaystey laba guddi oo hore goluhu ugu saaray xaalado Shaqaqooyin oo beelo kala duwan  ku  dhexmaray Gobolda Sool iyo Daad-Madheed, halkaas oo ay gudiyadani in muddo ahba ugu maqnayeen qaboojinta iyo hishiisiinta beelahaas walalaha ah ee dirirtu dhexmartay.


 

Ugu horayn gudiga loo xilsaaray arrinta gobolka Sool ayaa Ka Warbixiyey hawshii ay gobolkaas u tageen iyagoo sheegay in hawshaasi si nabad gelyo ah ugu soo dhammaatay gacantana ay isu saareen labadii beelod ee wax kala tabanaayey. Geesta kale Gudiga nabadaynta labada beelod ku dhex-dhexaadinaayay degaanka Oodwayne ayaa sheegay inay xal uheleen shaqaaqaii halkaas ka dhacday. Guddomiyaha Golahsi Gurtida Somaliland  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa u soo jeediyay guddiyadaas in aanay hawlaha xaal xaalka ah ee hadhay ka hadhin oo ay dhammaystiran. Labada guddi ee maanta warbixinada ka bixiyay soo afjarida ergayntooda ayuu golaha guurtidu hore u saaray.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com